Hargaysa (SAXILNEWS)_Waxa habeenkii xala Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa ka qabsoomay shir ay yeesheen Xubnaha Fulinta ee Xisbiga KULMIYE kaas oo uu shir-gudoominayay Wasiirki hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,waxaana la sheegayaa inay si weyn u gor-feeyeen Xaaladdahii ugu danbeyay ee Xisbiga iyo waxa uga meel-yalla dhaq-dhaqayadda uu Hogaanka Xisbigu u qaban-qaabinayo qabsoomidda Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga. Waxa la sheegayaa inay Kulankaas qodobaddii laysala qaatay ay ugu mudan tahay sidii Maalinta Sabtida ah loo shaacin lahaa Mawqifka Rasmiga ah ee Xubnahan ee ku aadan Qabsoomidda Shirweynaha Gollaha dhexe iyo qeybinta kaadhadhka Ergooyinka oo uu hore usoo saaray Xoghayaha guud ee Xisbigu. Xogaha uu ka helaayo shabakada saxilnews kulankaas ayaa la sheegay inay qeyb a ahayd inay Xubnahani samaystaan Xarun Cusub oo aan ta Xisbiga ahayn taas oo ay kaga dhawaqaayaan Xili ka duwan kii hore loo shaciyay oo uu qabsoomayo Shir-weynaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Xubnihii Kulankaas kasoo xaadiray oo tiradooda lagu sheegay inay Soddomeeyo kr u dhaafayeen ayaa waxay iskugu jireen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiiradda Xildhibaano Murashxiin qaarkood hore Xilal uga soo qabtay Xukuumadda iyo Xubno kale oo ku abtirsadda Xisbiga.
saxilnews005@gmail.com
maxamed ilkacase