Xukumada siilanyo oo ikhtiraacday khidad cusub oo ay ku Wareejinayso Haamaha shidaalka Berbera+ 4 Maareeye oo laba maqaar saar tahay oo loo magacaabay Haamaha

0
20

Berbera (SAXILNEWS)_Sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka saxilnews  xukumada Siilanyo ayaa guul ka gaadhey hirgelinta khidad cusub oo  lagu wareejinaayo Haamaha Kaydka shidaalka Berbera oo beryahan danbe Xukumada Siilanyo,Barlamaanka Iyo Bulshoweynta reer Berbera isku mari la’aayeen,Xiisadna ka curisey Golaha Barlamaanka aakhirkiina laysku faro saaray.   Yeelkeede Raxan wasiiro ah oo uu hogaaminaayey wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade oo Maalmahan fadhiisin ka dhigtay Magaalada Berbera ayaa fuliyey Qorshe ay xukumada Siilanyo melmeshay oo ahaa in Afar Maareeye oo laba maqaar saar tahay ama labana maareeyayaal Rasmi ah yihiin ( oo Aakhirkana isu noqonaya maareeye iyo ku xigeen) u magacabaan Haamaha kaydka Shidaalka Berbera. Afarta maareeye ee ay wasiiradu  magacaabeen ayaa waxaa ka mid ah Xasan Cige (Xasan Xaaji ) oo ah Ganacsade ka tirsan Shirkada Redsea Petroluem oo ah shirkada ugu tunka weyn shirkadaha ku bahoobay dhaxal-wareejinta haamaha shidaalka Berbera. Ku darsoo Maareyaayasha Wasiiradu u magacaabeen Haamaha Berbera waxaa ka mid ah Cabdillaahi Jaamac oo ah Ganacsade ka socda shirkada Som Oil/ Som petroluem  oo Iyana lagu daray shirkadaha ku bahoobay Dhaxal-wareejinta Haamaha shidaalka. Waxaa kaloo iyagana maareyayaal maqaar saara loo magacaabay Maamulaha Kastamka Cashuuraha Berbera Bulxan & Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo isagu ah Maareeyaha rasmiga ah ee Madaxweyne Siilanyo muddo laba sanno ka hor ah magacaabay xilkaas balse mudooyinkan danbe aan Gacanta waxba ugu jirin ee laysku dul haystay. Magacaabista Maareyayaashan cusub ama labadan Maareeye ee Xasan Xaaji & Cabdillaahi Jaamac ee lagu soo kordhiyey Haamaha ayaa waxay tusmo ama bilow u tahay in shirkadaha ku bahoobay Dhaxal-wareejinta Haamuhu si buuq la’aana durbaba u hanteen ama ula wareegeen maamulka iyo gacan ku haynta haamaha, iyadoo labada maareeye ee kale oo ah shaqaale dawladeed markii la doono hawsha laga fasaxi karo oo hadda laftigeeda aanay wax sameyn ama awood maamul ah ku lahayn, Ha yeeshee tibaaxaha Qarannews loo soo dusiyey sheegayaan in  hawlaha Haamaha ay si toosa u maamuli doonaan Xasan Xaaji oo ku magacaaban Af-hayeenka shirkadaha ku midoobay dhaxal-wareejinta haamaha shidaalka halka Abdillahi Jjaamacna lagu wado Maareeye-xigeenka mustaqbalka ee haamaha shidaalka.

 

 

Maxamed xasan

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here