Hargeysa(Dawan)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa soo kormaaray Carwada Bisha Ramadaan laga furay Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa.
Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in Carwada Huteel Guuleed ay ka mid tahay horumarka uu dalka gaadhay.Waxaana uu yidhi”Waxa aan leeyahay dadka qiimaha halaga jabiyo farxad iyo amni halagu Ciido,waxaanay ka mid tahay Carwadan Guuldeed Hoteel horumarka uu dalkeenu gaadhay.waanan ku hambalyaynayaa Huteel Guuleed,”.
Sidoo kale Mulkiilaha Huteel Guuleed Cali Guuleed ayaa waxa uu tilmaamaay bil kasta oo Ramadaana Carwada laga furo Huteel Guuleed.Waxaana uu yidhi”Waxa joogta Carwadan Ganacsato aad u badan oo Dumar u badan, bil kasta oo Ramadaana waalaga furaa Carwada halkan si dadka soomani uga adeegtaaan.dan tuna waxa ay ku jirtaan iyaga oo ka faa,iida adeeg hufan iyo wax jaban,”.