Hargeysa (Dawan)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta
Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali koore ayaa ka hadlay xaalada dagaal ee ka taagan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.
Saleebaan Yuusuf Cali koore ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda saddex jeer ku dhawaaqday xabad joojin Wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood,
Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Gobolka Sool waxa ka socda arrin aan ku talogal ahayn oo wakhtiga iyo waayuhu keenay,isma lihi waxbaad kala hadhay 28 cisho oo aan joogay Laascaanood.qofka aan waaya arag ahayn ee aan soo joogin goobo dagaal in mararka qaar kood aanu u arkayn in xaaladu sidan isku badali karto.dhinac kasta dhibaato ayaa ku dhacday,waxaanay ahayd dhibaato aynu ka badbaadi karaynay haddii caqliga la isticmaalo tiraba saddex jeer ayaanu ku dhawaaqnay in xabad joojin la sameeyo lana wadahadlo,waayaha iyo wakhtiga ayaa sidaa u dhigay xaalada.markasta waxa aan taagannahay in nabed wax lagu dhameeyo, waxa aan ogahay in nabadu tahay waxa Bini,aadamka wax ku yahay waan maqlayay dad waaweyn oo leh Ciidanka qaranka ayaa na,soo wareeray,qofka go,aamada adag qaata ee wanaaga iyo xumaanta kala doorta ayaa Bini,aadamka u taliya.taariikhda ayaana qori doonta cidii xumaan ka talisay iyo cidii wanaag ka talisay, in laga faa,iiday daagaalka Laascaanood iyo in aan laga faa,iidin taariikhda ayaa qoraysa,”.