Hargeysa (Dawan)Ergeyga Gaarka ah Ee wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Drs Edna Aadan Ismaaciil ayaa bulshada Farriin u dirtay isla markaana uga digtay shacabka Somaliland in ay ka feejignaadaan falalka ka dhanka dalka ee ay ku hawlanyihiin cadawga Somaliland.
Edna Aadan oo Arimahaa ka hadlaysayna Waxay tidhi”Waxa aan idin farayaa dalkiina jeclaada cadaw badan ayuu leeyahay dalkeenu cawgiinu waxa uu ku dadaalayaa in uu dalka burburiyo,idinkuna waxa aad ku dedashaan in aad ilaashataan oo dhisataan dalkiina.waana in aad magaciina kor u qaadaan beenaha laydinka sheegayo waa in aad beenisaan.dadka laydikaga dambaynayo waa in aad iska ilaalisaan ,guulo wanaaagsan ayaynu gaadhnay ILLAAHAY ayaa inala jira inta ka hadhayna nabad iyo barwaaqo ayaan inoo rejaynayaa,”.