Qore Khadar M. Xaashi
Ceerigaabo (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Masjid Jaamaca Magaaladda Ceerigaabo ku qabatay Tartanka kala saarinta Qur’aanka Kariimka ee Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Tartankan oo la qabto sannadkasta barakaysan ee Ramadaan, kaas oo uu hirgelinttiisa leeyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Waxa Tartankan ka qayb qaata ardayda xaafidul Qur’aanka ee gobollada iyo degmooyinka dalka.
Tartankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa doorkan lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Masuul ka tirsan wasaaradda diinta iyo awqaafta ka hadlay daahfurka tartanka kala saarista xufaadaka ka qayb qaadanaysa Qur’aanka Kariimka ah ayaa sheegay in guud ahaan gobollada Somaliland oo dhan ay ka qabanayaan, isla markaana gobolkasta looga baahan yahay saddex arday, waxaanu in ay yihiin 3 daasi kuwa gobolkasta ku mateli doona tartanka Qur’aanka Kariimka oo lagu qaban doono magaalada Hargeysa.
Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in ardayda Kaalmaha hore gala la siin doono Jaa’isado aad u qaali ah, waxa uu ardayda xufaada ee ku guda jira barashada Qur’aanka Kariimka kula dardaarmay in hadafkooda iyo ujeedadooda koowaad ay noqdaan raali ahaanshiyaha ILLAAHEY, waxaanu macalimiinta ardayda u barta Quraanka Kariimka iyo Qowlka ALLE ka codsaday in ay markasta isku taxaluujiyaan sidii ay u diyaarinlahaayeen arday kaalmaha hore ka gali karta tartanka Qur’aanka, kuna mateli karta gobollada ay ka yimaadeen.
Cabdiraxmaan Jaamac ayaa kaalinta koowaad ee tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee lagu daahfuray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ku guulaystay, halka uu kaalinta labaadna uu galay Cusaama Ismaaciil Jaamac, halka kaalinta saddexaadna uu galay Yaasin Maxamed Yaasin.
Gaba’gabadii waxa madasha tartanka Qur’aanku ka socday ka hadlay isu’duwaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ee gobolka Sanaag, Siciid Axmed Warsame, waxaanu u mahadceliyay ardayda, macalimiinta qiimaynta tartanka Qur’aanka Kariimka, macalimiinta ardayda wax soo baray, iyo madaxweynaha Somaliland oo maalgelinta tartanka Qur’aanka Kariimka ee bisha Ramadaan isagu ku suntan.