Golaha Degaanka Caasimada oo Dhagaxdhigay dhisme casub oo loo Binaynayo Degmada Axmed Dhagax

0
204

Hargeysa (Dawan) Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa dhagaxdhigay dhisme casri ah oo loo dhisayo Degmada Axmed dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibad lagu dhagaxdhigayay ayaa waxa ka soo qaybgalay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge Maayarka ku Xigeenka Hargeysa Khadar Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka iyo marti shafaf kale.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uga mahadnaqay shacabka Degmada Axmed ee ka qaybqaatay qaadhaanka lagu dhisay dhismaha cusub ee Degmada Axmed.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa shacabka gobta ee dagan degmada Axmed Dhagax ee soo ururiyay qaadhaanka lagu dhisayo dhismahan,waxa aan daganay Axmed Dhagax oo aan cashuur bixiye ka ahay.waxaana aan ku faanayaa in Degmada Axmed horumar laga sameeyo oo ay iska kaashadeen Dawlada Hoose iyo shacabka Degmada Axmed Dhagax,waxa kale oo aan uga mahadnaqayaa Xildhibaan Siciid Jaamac oo ku qoran degmada Axmed dhagax,sida wanaagsan ee ugu dadaalay in Degmada Axmed dhagax oo loo dhiso dhismaha ugu quruxda badan waan uga mahadnaqayaa waxa aan rajaynayaa in dadaalkaa sii laban laabo”.

Maayarka ku Xigeenka Hargeysa Khadar Axmed Cumar oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in ay ka go,antahay in degmooyinka Caasimadda laga dhiso xarumo casri ah.Waxaana uu yidhi”Waxa naga go,an in sagaalka Degmo ee Caasimadda Hargaysa aanu ka dhisno Xaruumo casri ah oo ku haboon in dadka loogu adeego”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax Maxamed Daa,uud oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu u mahadnaqay gudidii qaadhaan ururinta dhismaha cusub ee loo dhisayo Degmada Axmed.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa gudidii qaadhaan ururinta dhismahan loo dhisayo degmada Axmed,oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii loo soo ururin lahaa qaadhaanka loogu talo galay dhismahan”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here