“Shacbaan waa Bishii Nafta Soofaha lagu marin lahaa, dunuubtana la iska Daahirin lahaa”Sheekh Maxamed Haybe

0
197

Hargeysa (Dawan) Bishan aynu hadda ku jirno waa bil aad ugu qiimo badan bulshada muslimka ah, waxana ay ku jirtaa bilaha xurmada leh.

Bisha Shacbaan waa bil qofkasta oo Muslim ahi uu u diyaar garboobo bisha Ramadaan, samaystana jadwal uu ku qaabilo bisha Barakaysan ee Ramadan.

Haddaba khubdadii Jimcaha ee shalay ee Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa mimbarka bulshada uga baaqay inay bishan fahmaan oo naftooda ka daahiriyaan danbiyada ay galayaan inta aanay gaadhin Ramadan Sheekh Maxamed Haybe Muxumed Geelle, oo ka mid ah culimada reer Somaliland.

Bishan Sheekhu waxa uu bulshada ku booriyay inay ka faa’iidaystaan oo ay la yimaadaan danbi dhaaf dhabba ah, kana soo noqdaan dunuubtii ay galeen waliba si dhabba ah.

Sheekh Muxumed Haybe ayaa ku dheeraaday bishan iyo fadliga ay leedahay iyo sida aanay bulshadu ugu baraarugsanayn, waxaanu bulshada ku waaniyay inay dhiisha u culaan sidii ay uga faa,iidaysan lahaayeen bisha fadliga badan ee Ramadan.

Sheekh Maxamed Haybe waxa uu bulshada la wadaagay fadliga ay leedahay ALLAH u noqoshadu waxaanu yidhi “Qofkasta oo innaga inaga mid ahi wuu gafaya, waxaana ugu qiimaha gefka korkiina ka soo noqonaya, in aynu nafta sii maydhno mar haddii Ramadaan inagu soo dhawdahay waa mihiim, oo camal wanaagsan ku maydhno, ALLE u noqod ku maydhno, qalbiyada dalaxka iyo miridhka ay danbiyadu sabab u noqdeen, inaynu toobad ku maydhno,”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here