Salaadiintii Ergada Nabadeynta oo Bulshada la Wadaagay Waxyaalaha u Qabsoomay iyo qorshahooda mustaqbalka

0
193

Caynaba (Dawan)- Eragdii Salaadiintii isu-xilqaamay nabadeynta colaada magaalada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inay hawlaha nabadeynta ka sii wadi doonaan magaalada Hargeysa.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayey afka madax-dhaqameedka isku xilsaaray hawsha nabadeynta oo warbaahinta la hadlay oo sharaxaadna ka bixinayey halka hawlahu u marayaan ayaa sheegay inay halka (Caynaba) u yimaadeen dhibkii dhacay, isla markaana muddo meelo kala duwan la xidhiidhayeen, ama la soo xidhiidhayeen.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaanu yidhi “Hawshii aanu halkan u nimi ee dhibkii dhacay, muddo ayaan meelo badan la xidhidhaynay, ama iyagu nala soo xidhiidhayeen. Ilaahay SW ayaa mahad leh, waxaan bogaadinaynaa beesha caalamka oo xidhiidho badan aanu ka yeelanay arrinka colaada sidii xal loogu heli lahaa”

Suldaan Dhawal oo ka hadlayey dhinacyadii hawsha nabadeynta ay isku xilsaareen iska kaashadeen ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dawladda Itoobiya oo si fiican hawsha uga qeybqaadatay, oo imikana gacanta ku haysa, Beesha Caalamkuna ku ogtahay.

“Waxaan u mahadcelinayaa dawladda Itoobiya oo kaalin fiican ka qaadatay hawsha imikana gacanta ku haysa wejigii labaad ee hawsha, beesha caalamkuna ku ogtahay.”

Waxuu sidoo kale u mahadceliyey dhamaan dhinacyadii wejigii koowaad ee nabadeynta colaada Laascaanod ee xabadjoojinta ka qeybqaatay, sida waayeelka, Garaadada reer Sool, waxaanu yidhi,

“Waxaan u mahadcelinayaa dhinacyadii ka qeybqaatay wejigii koowaad ee nabadeynta colaada Laascaanood ee xabadjoojinta gaar ahaan Garaadada Gobolada Sool iyo Sanaag ee hawsha qeyb libaax ka qaatay.”

Suldaan dhawal ayaa sidoo kale u mahadceliyey xukuumada Somaliland oo uu sheegay inay hore uga dalbadeen inay kalsoonidooda siiyaan hawsha nabadeynta Laascaanood, ilaa maantana waxii tallo ay u jeediyaan si buuxda u fulisa.

“Xukuumada waxaan uuga mahadcelinaya sida ay kalsoonida noogu siisay inaan hawsha nabadeynta galno, talada aan u jeedinana u qaadanayso.”

Waxuu sheegay in fadhigoodii Caynaba oo muddo 19 maalmood ay joogeen uga wareegi doonaan magaalada Hargeysa, waxii hawlo ahna ka sii wadi doonaan, waxaanu yidhi “Imika wejigii koowaad sidaa ayuu noogu dhamaaday, waxii hawlo hadhsan magaalada Hargeysa ayaanu ka sii amba qaadi doonaa, ilaa xalka ugu dambeeya ee nabada inta la gaadhayana ugu taagnaan doono.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here