War Deg-Deg Ah: Ugu Yaraan 20 Qof Ayaa Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dalka Turkiga, Ankara

0
32

Ankara (Saxilnews)- Inta la ogyahay 20 qof ayaa ku dhintay, halka tiro kalena ay ku dhaawcmeen. laba qarax oo ka dhacay caasimadda dalka turkiga ee Ankara.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay goob ay ku badnaayeen dad badan oo dhallinayaro ah.  dad badan oo iskugu soo baxay meel u dhow goobaha tareenada laga raaco ee caasimadda turkiga ah ee Ankara, dadkan ayaa ka mudaharaadayey dagaalada ka dhexeeya xukuumadda iyo dagaalayahannada Kurdishka ah, ee ka dagaalamaya dhinca koonfureed ee Turkiga.
“Dad badan oo mayda ayaa wadhnaa wadada dhexdeeda” qof goob jooge ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Qaraxan ayaan illaa hadda cidi sheegan, dhinaca dawladdana illaa hadda wax wari kama soo bixin.
saxilnews005@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here