Hargeisa (Saxilnews)_Shirkada Isgaadhiisan ee Somcable ayaa Qarka Usaaarn in ay Gabi ahaanba Musalafto ama ay Kacdo Kadib Caqabado Waawayn oo Kahoryim Kadib, Shirkadan oo uu Saamiga ud Badan Leeyay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Halka Qaybta kale ee ugu Badana uu Leeyay Ganacsadaha In maxamed Aw Siciid ayaa Waxa Lagu Maal Galiyay Aduun 100 Milyan oo Dollar Kabadan, iyada Xadhkaha Xambaara Mawjadaha Internetka Xawaaraha Sare leh ee Fire Obtic-ka ay Inta Badan Gaadhiisyeen Gobolada Somaliland.
Shirkadan oo Xadhkeheeda Internetka Kasoo Jiiday Xadhka Waawayn ee Yaala Xeebaha Bada Jabuuti ayaa Waxa ay Beegsanaysay kudhawaan 1,5 Milyan Kamid Ah Bulshada Somaliland oo aad ugu Haraadan Helista internet Xaraare Dheer Leh, Maadama aanay Shirkadaha Wadanka Kajiraan Bixin Internet Bulshada Somaliland Haqabtiraya.
Maxaaa Sababay Suuq Xumada Qabsatay Shirkada Somcable!?
Shirkadu Waxa ay Hore Heshiis ula Gashay Shirkada Telesom oo iyadu Haysata Adeega Telefoonada ee Bulshada Somaliland 85% Taas oo uu Heshiisku DHigayay in Guryaha ay Kujiraan Xadhka Telefoonada ee Telesom Lagu Wareejiyo Somcable Si ay Ubixiyaan Adeega Internetka Halka Telefoonku Baaqi Uahaanayo Shirkada Telesom Sidoo kale Waxa Lagu Heshiiyay in wixii Faa,ido ah ee Dheeriya Lakala Qaybsado.
Sida ay Xogo Wareeyo Arinta Udhuun Daloolaa ugu Warameen Saxilnews.com Waxa Heshiiskaas Kabaxday Shirkada Somcable Iyada oo Istustay in ay Lawareegi Karto ugu Yaraan 65 Macmiisha Shirada Telesom Maadama ay Bulshada Kubeer Laxawsanayso Waxa aanu Bixinaynaa Adeeg Internet oo uu Xawaarihiisu Aad Usareeyo Waxana ay Kabaxday Gabi Ahaanba Heshiiskii ay Hore ula Gashay Telesom.
Sidoo kale Waxa ay SHirkada Somcable Ku Guuldaraysay Damaceegi ahaa in ay Gacanta Kudhigayso Inta Badan Bushada Somaliland ee Adeesata Telefoonada iyo Internetka, Waxa Intaas Udheer in shirkada ay Dhawr Jeer Soo Wajaheen Khilaafaad Culus oo Sababay in Tiraba 3 Jeer Lajaro Xadhkaha Internetka Qaada ee Dhanka Jabuuti Laga Keenay, Geeridii kutumu Maamulihii Guud ee Shirakada ayaa Iyana Adhaxda Kajabaisay Somcable Waxana ay Dib uga Dhacday Wakhtii Lafilayay in ay Dalka Soo Wada Gaadho Mudo Sannad ah.
ugu Danbayntii Waxa ay Shirkadu Suuqa Kusoo Gashay Internet Diciifa kaas oo aan Dhaami kuwii Hore uga Jiray Dalka, Qiime Qaaliya oo aanay Bulsahadu Wada Awoodin Farasmo Xumaan Baahsan iyo Shaqaale Aan Aqon Fiican Lahayn oo Macmiisha Jaahwareeiyay
isadoo kale Waxa a y Wararku Sheega in Xukuumada Jabuuti Banaday Khadkii hore Loofilayay ee Fir Obtic- ee Internet-ka iyada oo Laxidhiidhinaysa Musuqmaasuqyo Durba Debeda uga Soo Baxay Shirkada Somcale iyada oo Hada Bixisa Internetka Diciifaka ah ee uu Noociisu Horeba Dalka uga jiray kaas oo Dalka Kusoo Gaadha Qaab satellite ah
ugu Danbyntii Waxa Maalintii 5aad oo Xidhiidha Xidhan Xarunta ugu Wayn ee Macmiishu iska Soo Diiwaan Galinjirtay iyada oo ay Gabi ahaanba Istaagtay Shaqadii Shirkadu Waday, Waxana ay Arinti Cabsi Ku Abuurtay Kumaan Somalilanders ah oo Qaab Xeeladaysan ay Shiradu Lacago uga Guratay