MUDDAHARAAD DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO KA DHACAY BOORAMA IYO BANDOO LAGU SOO ROGAY

0
17

Boorama (saxilnews.com)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay, ka dib markii ay ku dhacday Rasaas Ciidanka Booliska Somaliland ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Gabbal-dhicii Caawa, iyagoo doonayey inay kala eryaan sida la sheegay Dhalinyaro Muddaharaad isku dayey inay sameeyaan wakhti laga dareeray Ciyaaraha gobollada ee ka socday Garoonka Kubbadda Cagta Xaaji Daahir ee magaaladaas.

SAWIRKA RABSHADO DHIMASHO IYO DHAAWAC KEENAY OO KA DHACAY BOORAMA11

Halka qof ee dhintay ayaa ahaa Ducaale C/raxmaan Sh.Ibraahim oo 15 jir ah, halka ruuxa dhaawacmay ay tahay Gabadh ay xaaladdeedu culus tahay sida uu saxilnews u xaqiijiyey Madaxa Kormeerka Cusbitaalka guud ee magaalada Boorama. Waxaana markii ay dhimashadaas iyo dhaawacaasi dhaceen, ka dib sii xoogeystay Rabshadda oo isu beddeshay Muddaharaad Rabshado wata.

Markaas ka dib, waxaa qaybaha magaalada Boorama laga maqlayey Rasaas ay Ciidanka Ammaanku ridayeen sida ay dad Boorama joogaa u xaqiijiyeen saxilnews. Waxaanay taasi sababtay xaalad deg-deg ah ama Bandoo lagu soo rogay guud ahaan qaybaha kala duwan ee magaalada Boorama, Bandoodaas oo lagu soo warramayo inay ka dhaqan-gashay magaaladaas markii Cawaysinkii hore ee caawa lagu soo rogay ka dib.

Madaxa Kormeerka Cisbitaalka guud ee magaalada Boorama Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa Shabakadda wararka ee saxilnews u xaqiijiyay dhimashada Wiil yar iyo dhaawaca Gabadh xaaladdeeda Caafimaad ay culus tahay, sida uu xaqiijiyey.

“Intaannu ognahay dhaawacu waa Gabadh xaaladdeeda Caafimaad culus-tahay, dhimashaduna waa halka qof ee aad ogtihiin.” Sidaa ayuu Madaxa Kormeerka Cusbitaalka Boorama Maxamed Maxamuud Cabdi oo Weriye Aftahannews ka tirsani Khadka Taleefanka Caawa wax kaga weydiiyey khasaaraha ka dhashay Rabshadda Gabbal-dhicii caawa ka dhacday magaaladaas ee Caafimaad ahaan ay ka war-hayaan.

“Walaal xaalada Boorama way kacsantahay maxaad u malayn hadaanaan banaanka u baxeyn.magaalada mudaharaad ayaa ka dhacay markii uu dhintay wiilka yari imakana waxaa lagu soo rogay bandoo oo ciidan ayaa wadooyinka tuman.” Sidaa waxa yidhi Weriye ku sugan magaalada Boorama oo Suxufi saxilnews ka hawlgala oo Hargeysa ku sugan Khadka Taleefanka ugu warramay Caawa.

Dhalinyaro Daawanaysay Ciyaartii gelinkii dambe ee maanta dhex-martay Xulalka goballada Gabiley iyo Selel, ayaa markii ay dhamaatay Ciyaartaas rabshado ka sameeyay Garoonka lagu ciyaarayay dibeddiisa. Waxaanay taasi keentay Ciidammada Ammaanka ee Garoonka Xaaji Daahir ee Ciyaartu ka socotay ilaalinayey, Rasaas ku furay Dhalinyaradaas si ay u kala dareeriyaan, waxaanay Madaxa kaga dhacday Rasaasta qaarkeed Wiil dhalinyaradaas ka mid ahaa oo dhintay, halka Gabadh dhalinyaro ahina ay ka dhaawacantay.

Xaaladda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa kacsanayd tan iyo abbaaro saddexdii habeennimo ee xalay wixii ka dambeeyey, markaasoo ay weerar ku qaadeen Koox hubaysani Guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaanay halkaas ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa ilaalada Badhasaabka oo Boolis iyo Millateri ahaa, halka ay laba Askari oo iyaguna Boolis iyo Millateri ahaa ku dhaawacmeen, Dablaydaas oo ay Xukuumaddu ku eedaysay inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo Somaliland ka soo horjeeda, dhinaca gudaha Itoobiyana weerarro Malleeshiyadiisu kaga soo qaaddo deegaannada Jiidda Awdal oo ay marar horena Gawaadhi ka afduubeen.

Waxaanay Ciidammada Ammaanku hawlgallo ay magaalada Boorama ka sameeyeen tan illaa saaka ku qabqabteen dad Shacab ah oo qaarkood Odayaal iyo Ganacsato yihiin, kuwaasoo lagu xidhay goobaha Booliska ee Boorama, halka qaarkoodna loo soo qaadhay dhinaca Xabsiyada Hargeysa sida ay ila-wareedyo Booliska ka agdhawi u xaqiijiyeen saxilnews.

Sidoo kale, hawlgal kale oo ay cawaysinkii hore ee caawa magaalada Boorama ka sameeyeen Boolisku, waxay ku soo qabteen Shan Nin oo mid dhaawac yahay, isla markaana hubaysan oo uu Taliyaha Booliska Somaliland sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxdaas xalay weerarka ku soo qaadday Guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal.

Taliyaha Booliskau waxa uu sheegay in Shantaas nin Ciidanka Ammaanka iska difaaceen intii hore oo ay la dagaallameen ka dib markii ay Boolisku ku weerareen Guri gudaha magaalada ku yaalla oo loogu sheegay inay ku jiraan, balse markii dambe ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan shantaas nin iyo Hubkoodii, baadhitaanna la marin doono shantaas iyo 26-ka Ruux ee kale.

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here