Hargeysa (saxilnews.com)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in shan qof oo mid ka mid ahi dhaawac yahay oo ka tirsan Koox Hubaysan oo xalay weerar ku soo qaadday Guriga Guddooiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isagu ka badbaaday weerarkaas, hase-yeeshee ay ku dhinteen laba Askari oo Boolis iyo Millateri kala ah, laba kale oo Boolis iyo Millateri ahina ku dhaawacmeen.
Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal oo Caawa cawaysinkii shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Ciidanka Ammaanku Xog buuxda ka heleen goob ay kaga sugnaayeen magaalada Boorama Kooxdii weerarka ku qaaday xalay Guriga Badhasaabka Awdal, kuwaasoo iska caabbin kala hortegay Booliska, balse lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo markii dambe.
Sidoo kale, Taliye Fadal waxa uu sheegay in illaa 26 Qof oo kale oo la tuhunsan yahay laga soo xidhixidhay magaalada Boorama, kuwaasoo uu sheegay in qaarkood lagu eedaynayo inay weerarkaas ku lug lahaayeen, qaarkoodna abaabulka qayb ka ahaayeen, kuwaasoo uu sheegay in baadhis lagu kala saari doono.
Shirka Jaraa’id ee uu Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ku qabtay Caawa magaalada Hargeysa iyo sida uu dhacdadaas iyo qabqabashada kooxda uu sheegay inay dablayda weerarka ka fuliyey Boorama ka tirsanaayeen ka hadlaya-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan
maxamed xasan
berbera2002@gmail.com