sanaag (Saxilnews)_ Mid ka mid ah gawaadhidii ay wateen cayaartoyda gobolka Sanaag uga qayb gelaya tartanka cayaaraha gobollada Somaliland oo waabberigii saaka iyagu ka ambabaxay magaalada Ceerigaabo ayaa goor dhoweyd wuxu baabuurkaasi ku geddoomey Aagga magaalada War-idaad.
Baabuurkan geddoomey oo noociisu yahay SURF ayna saarnaayeen lix xubnood oo isugu jira saddex dhallinyarada cayaartoyda, iyo saddex mas’uul oo wasaaraddan ka tirsan ayaa kolkii uu geddoomey waxa dhaawacyo culusi kazoo gaadheen tababbarihii dhallinyaradan cayaartoyda ah (Axmed-qaldaan) halka xubnaha kalena intooda badan dhaawacyo fududi shilkan kazoo gaadheen Waxana dhaawaca tababbarahan hore loogu sii qaaday isla magaalada Burco halkaas oo la filayo in lagu daaweeyo tababbarahan
berbera2002@gmail.com