Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Marodijeex ayaa xoriyadiisii ucelisay Suldaan Mawliid Cali Ibraahim(Sabeyso)oo mudo bil ku dhaw uxidhnaa Xukumada Somaliland oo ku jiray xabsiga hargeysa, xadhiga Suldaanka ayaa kadanbeeyay sida la sheegay markii uu dacwad ka gudbiyay Gudoomiye Kuxigeenka baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo garab weyn ka helaya Xukumada Madaxweyne Siilanyo dacwadaas oo aan la garanayn waxa ay kuu saabsaneyd ayaa umuuqatay mid la doonaayay in lagu cabudhiyo Suldaanka oo inta badan ka hadlay boobka ay xukumada madaxweyne Siilanyo ku hayso hantida qaranka ee Umada reer Somaliland ka dhaxaysa.
Suldaan Mawliid Sabeyso oo warbaahinta la hadlay markii xoriyadiisa uu dib uhelaya ayaa umahad naqa guud ahaan shacabka reer somaliland ee dalka gudihiisa iyo debediisaba ku dhaqan sidoo kale waxa uu Suldaan Mawliid Cali Ibraahim(Sabeyso)uu sigaara ugu mahad naqay saxaafada Madaxa banaan iyo Udoodayaasha xuquuqda bina,aadamnida iyo Cidkasta oo xadhigiisa ka damqatay kana hadashay.
Waxaanu Suldaan Mawliid Cali Ibraahim(Sabeyso) sheegay in xadhigiisu ahaa mid afduuba oo cid gaari ka damqatay kadib markii uu ka hadlay boobka iyo hanti urursiga ay xukumada Madaxweyne Axmed Siilanyo dalka ku hayso isaga oo tilmaamay inaanu ka daalin doonin inuu xaqa ku adimo oo dulmiga ka hadli doono markasta. goobaha uu kahadlay ee uu sheegay inay Xukumadu ka damqatay ayaa waxa uu ku tilmaamay haamaha shiidalka Berbera, Dekeda Berbera, Xaruntii akhriska ee Gaandhi iyo meelo kaloo badan
berbera2002@gmail.com