Hargeysa( saxilnews)_ Warar xog ogaal ah oo kusoo dhacay warqabadka Wargeyska SAHAN ayaa tibaaxaya in uu olole iyo kaambayn culus oo duufaantiisa wata uu gobolada galbeed ka bilaabay Wasiirka Wasaarada waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole.
Wasiir geedoole ayaa la sheegay in kulamo is daba joog ah maalmihii udambeeyay la yeelanayay madax dhaqameedka iyo waxgaradka galbeedka, siiba haldoorka gobolka Awdal kasoo uu kala tashanayay sidii ay dhankooda hiil iyo hooba isula barbar taagi lahaayeen hankiisa murashax-nimo.
Faarax Cilmi geedoole ayaa la sheegay in qorshaynayo in maalmaha soo Socda ka dhawaajiyo hankiisa waxana wasiirku maagan yahay in uu isu soo taago jagadda murashaxa madaxweyne Xigeen ee Xisbiga KULMIYE kana tartamo shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaasi.
Xogo SAHAN helayo ayaa waxay intaasi ku ladhayaan in Geedoole rog rog iyo gorfayn badan oo uu la yeeshay salaadiinta beesha samaroon ku qancay taageerada uu ka haysto deegaanka uu kasoo jeedi uuna xiliga si rasmi ah uu bayaamin doono in yahay murashaxa jagadda madaxweyne Xigeenimo ee Xisbiga KULMIYE,
Si kastaba ha ahaate filashada dhawaaqa geedoole iyo jirataanka arintani waxay Xaraarada kusii shidaysaa ololaha musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo ilaa hada la hadal hayo inay jagada madaxweyne xigeenimo ku loolamayaanCabdiraxmaan Saylici oo ah M/kuxigeenka Somaliland, Afhayeenka Golaha Guurtida ee Cabdiqaadir Indho indho, iyo Mr Geedoole oo la filayo in uu hada kusoo biiri saaxada.
Isku soo wada duubo Faarax Cilmi geedoole ayaa hore usoo noqday Wasiirka beeraha waxana uu dhowaan madaxweynuhu umagacaabay in uu noqdo Wasiirka Waxbarashada, waana masuuliyiinta inta badan dhanka siyaasada qunyar socodka ah ee bulshadu ku arag fagaarayaasha doodaha siyaasada, yoyotanka iyo isqabsigu yaalo.
saxilnews005gmail.com