Berbera ( saxilnews.com)-Madaxweynaha mudo-xileedkii la doortay dhamaaday ee Axmad Siilaanyo ayaa intaanu saaka dalka ka dhoofin wasiir-ku xigeenkii Xanaanada Xoolaha Cali Gadheer u magacaabay xil dheeraad ah oo uu ku noqanayo Wakiilka xukuumadda ee Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.Cali Gadheer ayaa waxa Mr Siilaanyo faray inuu ku sugnaado magaalada Berbera muddo bil ah si uu u hirgaliyo isla markaana taabogal ka dhigo qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha u gacangaliso wasiiro iyada ka tirsan iyo shakhsiyad awood leh oo ku xidhan madaxtooyada kuwaaso sheeganaya inay shirkado yihiin.
Cali Gadheer oo hadda ku sugan Berbera ayaa marki uu qorshaha dawladda ee Haamaha khuseeya uu soo shaacbaxay waxa uu dad badan oo reer Berbera ah u sheegay inuu ka soo horjeedo wareejinta laakiin waxa la ogaaday inuu is-rogay markii ay isaga iyo wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Cali Dhagoole ay todobvaadkii hore shir jaraayid oo ay Hargeysa ku qabteen ku muujiyeen inay taageersanyihiin wareejinta Haamaha.Waliba Cali Dhagoole ayaa shirkaasi jaraayid waxa uu ka jeediyey hadalo hanjabaad iyo aflagaado isugu jiray oo uu si gaar ah ugu maagayey reer Berbera iyadoo ay jirto in mucaaradada wareejinta Haamuhu ay asalkeedii hore ka bilaabantay caasimadda Hargeysa kadibna Somaliland oo dhan wada saameysay.Cali Dhagoole oo haatan u muuqda nin inta lagu shaqeystay dabadeed la tuuray ayaa waxay kala dhex miiranaysa Cali Gadheer.
Dhinaca kale arinta wareejinta Haamaha ayaa waxa laga cabsi qabaa inay keento isku-dhac dhex mara dadweynaha reer Berbera iyo ciidamada ay xukuumaddu halkaasi soo dhoobtay iyadoo ay saan saan jawi colaadeed oo shabahda tii 1992/93 ay ka muuqato magaalada, xili dareenka dadkuna aad u kacsanyahay oo bulshada ku dhaqan Berberina ay hadda ka mideysan tahay kana soo horjeeddo wareejinta Haamaha
berbera2002@gmail.com