WAR DEG-DEG AH MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND MUDANE AXMED MAXAMED SIILAANYO OO SAAKA SUBAXNIMADII HORE SAFAR SHAQO UGU BAXAY DALKA IRELAND ISAGOO SII MARIDOONA DUBAI

0
21

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo saaka subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland isagoo sii maridoona Dubai.

Hargyesa ( saxilnews) Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka Martida ee Garoonka Diyaraha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacanqaadeen halkaasi.

Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi sidan:-
Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka IRELAND oo aan ku tegayo booqosho rasmiya.

Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland.

Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.

Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.

Madaxweynaha waxa safarkiisa shaqo ku wehelinaayey
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali
4. Weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka socday Tv Qaranka

????????????????????????????????????

DSC_0204

????????????????????????????????????

DSC_0214

DSC_0217

DSC_0225

????????????????????????????????????

DSC_0245

DSC_0249

DSC_0257

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

berbera2002@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here