Burco (Saxilnews.com)-Waxaana Soo Dhaweynta Weftidaasi Ka Qayb Qaadanaayey Gudoomiya Gobolka Togdheer Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Sahal Aadan Iyo Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Kulmiye Nasra Qayayax Xubno Ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco Ganacsatada Gobolka Togdheer Iyo Xubno Ka Mid ah Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ku Waasi Oo Weftidan Kaga Hortgay Kaantaroolka Magaalada Burco Iyada Oo Weftidan Ugu Danbayntii Loo Soo Galbiyey Xafiiska Guud Ee Gobolka Xisbiga Kulmiye Ku Leeyahay Oo ay Ugu Diyaar ahaayeen Dadweynaha Taageera Xisbiga Kulmiye Oo Si Balaadhan Ugu Qaabilay Xafiiska Xisbiga Wetidaasi.
Qaar Ka Mid ah Masuuliyiintan Ka Socda Xisbiga Kulmiye Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Faah Faahiyey Ujeedada Socdaalkooda Waxaana Ay Ku Saleeyeen Dardar Gelinta Arrimaha Xisbiga Iyo Sidoo Kale Kor Uqaadida Iyo Isku Dubaridka Dhammanba Hawlaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer
Waxaana Halkaasi Sidoo Kale Aad Loogu Dheeraaday Musharaxa Ka Dib Madaxweyne Siilaanyo Loo Cumaamadayo Xilka Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye In Uu Noqdo Mid Hanan Kara Codka Shacabka Somaliland Islamarkaasina Isku Haynkara Taageerayaasha Kala Duwan Ee Ku Midoobay Xisbiga Kulmiye
Ugu Danbayntii Waxaa Hadalka Soo Xidhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Mudane Sahal Aadan Waxaana Ku Dheeraaday Midnimada Iyo Wadajirka Xisbiga Kulmiye Iyo Sidii Danta Guud Ee Xisbiga Looga Wada Shaqayn Lahaa.