Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Muranka Siyaasaddeed Ee Markale Ka Curtay Magaaladda Muqdisho

0
21

muqdisho:( Saxilnews)- Dalalka Maraykanka,Ingiriiska,Midawga Yurub iyo Qaramadda Midoobay,ayaa si weyn uga dayriyay qalalaasaha Siyaasadeed ee markale ka bilaamay Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Somaliya.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah usooo saareen dhinacyadaasi ayaa waxay ku muujiyeen saamaynta taban ee is-qab-qabsigan cusub ee Saraakiisha Dawladda Somaliya uu ku yeelan doono dadaaladii beesha Caalamka ee Nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta qeybaha Somalida.waxay sheegaan in aan Wakhti xaadirkan aan loo baahnayn mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Xukuumadda Somaliya,kaas wiiqaya ayay yidhaadeen Shaqadii laga sugayay Xukuumaddiisa ka hor 2016-ka oo laga rajo-qabo inay Dalkaas ka dhacaan Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.
Hadalkan Beesha caalamka kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya iyada oo uu meel xasaasi ah marayo Mooshin ay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somaliya dooonayaan inay Kursiga ka tuuraan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxaanna Hotelada Waaweyn ee Magaaladda Muqdisho laga dareemayo Saamaynta loolanka Siyaasaddeed ee Magaaladda ka jira iyo is-xulafaysiga dhinacyadda is-haya.

 

 

 

 

maxaemed xasan aadan

 

Saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here