Mid ka mid ah madaxda ugu sarreysa Taliban oo arrin gabdhaha ku saabsan uga soo hor jeestay kooxdiisa

0
23
Salaaxuddin Ayuubi

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo u dhow Salaaxuddiin Ayuubi, oo kamid ah taliyeyaasha ugu sarreysa garabka Uzbek ee ka tirsan Taalibaan, ayaa BBC u sheegay in uu xiriirka uu u jaray dowladda Taliban, isagoo ka soo horjeestay waxaa uu ku tilmaamay “awood ku qabsashada iyo ciribtirka qowmiyadaha” ku nool dalka Afgaanistaan oo ay wadaan Taliban.

Isha warka laga soo xigtay ayaa intaas ku dartay in Salaaxuddiin Ayuubi uu isaga baxay magaalada caasimadda ah ee Kabul islamarkaana uu u dhaqaaqay saldhig uu ku leeyahay gobolka Feyrab ee waqooyiga Afghanistaan.

Wuxuu sheegay in uusan gebi ahaanba la shaqeyn doonin dowladda Taliba tan iyo inta ay dib u habeyn weyn uga sameyneyso sidii loo dhisi lahaa dowlad loo wada dhan yahay, haweenkuna ay xaq weyn u lahadaan inay waxbartaan iyo joojinta duullaanka qasabka ah ee lagu hayo dadka ku nool Afghanistan.

Ninkan ayaa fikirka dhinaca gabdhaha uga soo hor jeestay madaxda kale ee kooxda. Waxa uu ku gacan seyray amarka ay Taliban ku bixisay in aysan gabadhaha wax baranin, ama iskuullada aadin.

Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka xukuumadda Taliban, ayaa BBC u sheegay in ay baarayaan hadalka kasoo baxay Salaaxuddiin Ayuubi.

Bishii March ee sanadkan Salaaxuddiin Ayuubi wuxuu beeniyay warar sheegayay in laga qaaday xilka ciidamada militeriga uu ka hayo islamarkaana loo magacaabay wasiir ku xigeenka horumarinta deegaannada miyiga ah, wuxuuna sheegay in aanu aqbalin jagadaas.

Salaxuddiin ayaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay madax u ahaa tiro badan oo ka tirsan kooxda Uzbek ee ka tirsan Taliban, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee Taliban ee gudaha u soo galay magaalada Kabul 15-kii August ee sanadkii hore oo ay qabsadeen xarunta madaxtooyada.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xariggii loo gesytay Makhdoom Alam, oo ah taliye kale oo ka tirsanaa garabka Uzbek ee Taliban, oo ay xirtay xukuumadda Taliban bishii Febraayo ee sanadkan, ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo baahsan oo ka dhacay magaalada Maimana ee xarunta gobolka Faryab.

Dhowr bilood oo aan ku qanacsanayn iyo mudaaharaadyo ka dib, xukuumadda Taliban ayaa sii daysay Makhdoom Alam.

Dowladda Taliban waxay horey u beenisay eedeymaha ku saabsan in ay awoodda si xoog ah ku heystaan iyo in qowmiyadaha qaar aan laga qeybgelinin xukuumadda, waxayna sheegtay in dhammaan qowmiyadaha qeyb laga siiyay dowladda Taliban.

Inta badan gobollada Afgaanistaan, gabdhaha dhigta fasallada ka sarreeay lixaadka ayaan loo ogoleyn inay aadaan iskuullada. Talibanka ayaa weli ku taagan mowqifkaas inkastoo cadaadis caalami ah la saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here