Madaxwayhana somaliland ayaa dhambaal tacsiya u diray geerida ku timi. Marxuum Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo ku geeriyooday maanta hargeisa

0
28

TACSI MADAXWEYNE: 09/10/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/10/2022 Cusbitaalka guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, waxaanu ka mid ahaa odayaasha ugu da’a weyn wakhti xaadirkan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here