Israa’iil oo sharciyeysay inuu soo wargeliyo qofkii haasaawe u tagaya Daanta Galbeed

0
38

Ajaanibta booqanaysa daanta galbeedka islamarkana xiriir jaceyl la sameynaysa Falastiiniyiinta halkaasi ku nool ayaa waxaa imika laga doonayaa inay u sheegaan wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil, sida ku xusan xeerar cusub.

Haddii ay guursadaan, waxaa looga baahan doonaa inay halkaasi isaga tagaan 27 bilood ka dib guurkooda.

Ajaanibtu waxay haysan doonaan 30 maalmood oo ay ku soo sheegaan xiriirka jaceyl ee ay la wadaagayan qof Falastiini ah Waa qayb ka mid ah adkaynta xeerarka ajaanibka ku nool, ama doonaya inay booqdaan, Daanta Galbeed.

Xeerarka cusub ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo maalinta isniinta ah.

Xeerarka oo dhawaan la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in dadka ajaaniibta laga doonayo in ay ku wargaliyaan maamulka Israel 30 maalmood gudahooda marka ay billaabaan xiriir ay la sameeyaan qof haysta aqoonsiga Falastiin.

Xayiraadaha cusub ee jaamacadaha Falastiin waxaa ka mid ah qoondaynta fiisaha ardayda ee 150 iyo 100 macalimiin ajnabi ah, halka aysan jirin wax xaddidan oo lagu soo rogay muwaadiniinta Israel . Ganacsatada iyo hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in sidoo kale xeerkan cusub uu saameyn xooggan ku yeelan doono.

Jessica Montell, oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda aan dawliga ahayn ee Israa’iil HaMoked, ayaa dacwad gaysay Maxkamadda Sare ee Israa’iil iyada oo ka soo horjeedda xeerkan cusub.

Waxay sheegtay in xeerkan uu yahay ” mid lagu go’doominayo falastiiniyiinta islamarkaana lagu doonayo in caalamka intiisa kale laga xiro”.

“Waxay aad ugu adkeeyaan dadka inay yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan hay’adaha Falastiiniyiinta, , maalgashadaan ama ay macallimiinta yimaaddaan,” ayey intaa ku dartay Jessica Montell

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here