Doodo waxaa jira mar kasta la soo jeediyo oo ku saabsanin bacaha ama caagadaha lagu xiro cuntooyinka ay halis ku yihiin caafimaadka.
Caagadaha biyaha laga cabbo marka la dhigo meel qorrax ah, fallaaraha cadceedda ee ku dhacaya waxay sababayaan walxo ka tirsan caagadda inay biyaha ku milmaan, kaddibna kiimikadii caagadda laga sameeyay ay biyaha qofka uu cabayo raacdo sidaana qofka jirkiisa ay kiikimikada ku gasho. Taas waxay keentaa cudurka kansarka. Dooddan ayaa ka dhalatay email uu qoray cilmi-baare jaamacadeed oo faafay.
Waxaana e-mailkaasi marar badan lagu xusay warqadda daraasadda ee la sameeyay.
Hase yeeshee, saynisyahannada ku xeeldheer arrimaha caafimaadka ayaa farriinta e-mailkaasi uu xambaarsan yahay ku tilmaamay mid been-abuur ah oo waxba aysan ka jirin.
Waxay saynisyahannadu sheegeen inay wax ka jirto in kiimikada bacaha la socota ee loo yaqaanno bisphenol-A (BPA) ay caafimaadka waxyeello u geysan karto .
BPA oo laga helo bacaha cuntooyinka lagu alxamo ama caagadaha biyaha lagu cabbo waxay saameyn caafimaad u geysaneysaa qaybo ka mid tirsan dheecaannada hormone-ka ee dumarka.
Haddaba waxaa isweydiin mudan inay jirto caddeyn muujinaysa in kimikaalkaas ay khatar yihiin?
Daraasado ayaa tilmaamaya maaddada BPA ee kimikaalka laga sameeyo inay saameyn u geysato jiirka yaryarka ah, haddii jiirka laga siiyo xaddi aad u badan.
Balse, dheefshiidka dadku wuxuu kiimikadaas u burburiyaa si ka duwan noolaha kale.
Caagadaha ka sameysan kiimikada BPA waxaa la soo isticmaalayay sanado aad u badan.
Ilaa iyo haddana ma jiraan caddeymo xooggan oo muujinaya BPA sida uu maalin walba jirkeenna u saameynayo iyo sida uu caafimaadkeenna guud u saameynayo intaba.
Daraasad kale oo la sameeyay ayaa sheegeysa in maaddada BPA laga helo kaadida inta badan dadka waaweyn ee ku nool waddamada horumaray.
Waxyeellada kiimikadaas waxaa looga hortagi karaa in aan BPA loo istimcaalin bacaha ama caagadaha wax lagu shubto. Caagadaha ama bacaha badankood waxaa ku daabacan tiro muujineysa inta ay dhan tahay kiimikada noocaas ah ee ku jirta.
Sidee lagu gartaa kiimidaas?
Tirooyinkaas waxaa lagu garan karaa calaamad saddex-xagal ah (♲).
Maaddada BPA haddii ay ku jirto waxaa lagu qoraa A3 ama 7 haddii aysan maaddadaas ku jirinna caalamaddaan (♲) oo ay la socoto 1, 2, 4 ama 5.
Maaddada BPA waxay sameysantaa marka bacda kuleylka uu taabto ama wax kulul lagu shubo.
Hase yeeshee, daraasaduhu waxay xaqiijiyeen baaritaannada lagu sameeyay bacaha cuntooyinka lagu bashqadeeyo in aan laga helin maaddada BPA