William Samoei Arap Ruto ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Kenya kaddib markii uu loollan adag ku galay doorashadii qabsoontay 9-kii August, 2022. Waxaa jiray arrimo gaar ah oo uu Soomaalida horay ugu ballan qaaday haddii la doorto.
Dad badan waxa ay saadaalinayeen in Ruto uusan ku guulaysan doonin tartanka xilka ugu sarreeya Kenya, sida uu isaga qudhiisa ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay goobtii looga dhawaaqay guushiisa doorashada.
Ninkan oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa olole muddo dheer socday usoo galay in xilka madaxweynaha fursad loo siiyo.
Waxa uu safarro ku tagay deegaannada dalka, oo ay ka mid yihiin kuwa ku yaalla gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari.
Si la mid ah murashaxiintii kale ee loollanka kula jirtay, waxa uu shacabka u ballan qaaday waxyaabo uu samayn doono haddii la soo doorto.
Bulshada Soomaalida ah ayuu si gaar ah ugu ballan qaaday saddex arrin oo muhiim ah.
Sharciga aqoonsiga
Intii uu Ruto ku guda jiray ololaha doorashada waxa uu bulsho walba kusoo jiidanayay qorshaha uu u hayo, si ay codadkooda u siiyaan marka loo dareero doorashada.
Soomaalida, oo ka mid ah bulshooyinka Kenya ayuu u sheegay in marka uu xafiiska madaxtooyada la wareego xaqiijin doono in meesha laga saaro waxa loogu yeero “cunsuriyeynta bulshada Soomaalida ah lagu bartilmaameedsado” marka ay raadsanayaan sharciga aqoonsida dalka ee loo yaqaanno “Kibaandhe”.
Dadka qaar ayaa sidoo kale culays kala kulmi jiray inay baasaboorka waddanka helaan.
Cabashada ku aaddan arrintaas ayaa socotay muddo dheer, hoggaamiyeyaasha Soomaalida Kenya ayaana dowladda ku dhaliilayay in ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadaas.
Haddii madaxweynaha la doortay uu ka dhabeeyo balla-qaadkiisii xilliga ololaha, Soomaalida Kenya ayay u suurtageli doontaa inay waqti gaaban ku helaan shuruucda, caqabado badan oo ka hor imaan jirayna lama kulmi doonaan.
Dadka la waayo iyo dilalka sharci darrada ah
Arrin kale oo uu William Ruto ku xusay qorshaha uu dalka ugu talo galay markii uu isu diyaarinayay doorashada ayaa ah in uu ku dadaali doono joojinta falalka dadka sida qarsoodiga ah loo kaxaysto ee mar qura la waayo iyo dilalka aan maxkamad loo marin.
Maadama loo doortay xilka madaxweynaha, waxaa laga filayaa inuu taasna hirgeliyo.