Weftigii Somaliland ee uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland ayaa ka qeyb-galay Shirka Common Wealth-ka

0
27

Weftigii Somaliland ee uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland ayaa ka qeyb-galay Shirka Common Wealth-ka oo ay soo qaban-qaabisay Dallada guud ee Jaaliyadaha Somaliland Ee Europe oo ka dhacay magaalada Brighminham ee dalka Ingiriiska.

SLNTV (Birmingham ) Shirka Birmingham ee Common Wealth-ka Waxaa martiqaadka weftiga Somaliland qaban-qabisey oo casuumada u diyaarisey Dallada guud ee Jaaliyadaha Yurub SSE Somaliland Societies in Europe. Waxaana halkaa ka dhacey dhowrkii maalmood ee waftigu joogtay kulamo is-daba joog ah oo sii socon doona kuwaas waxtar iyo faa’iidooyin u leh Qadiyadda Qaranimada Somaliland iyo guud ahaanba Bulshada reer Somaliland.

Sidoo kale waxay fiidnimadii Sabtida 30/7/2022, Wefitga Somaliland ka timi ee hoggaaminayey Wasiirka Arimaha Dibada iyo sidoo kale gudoomiyaha dallada guud ee Jaaliyadaha Yurub SSE oo ay waheliyeen Gudoomiyaha Jaaliyada Holland iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Sweden, waxay shir iyo kulan casho sharaf la yeesheen odayaasha jaaliyada Birmingham waxaana halkaas laysku waydaarsadey warbixino kala duwan.

Wixii faahfaahina ee ku saabsan hawlihii u qabsoomay weftiga Somaliland ka yimi iyo dallada guud ee jaaliyadaha Yurub SSE dhawaan ayaa intii suuragal ah saxaafada loo soo gudbin doonaa sidoo kalana wixii xogo muhiim ah waxaa si gaar ah loogu gudbindoonaa hay’addaha ay khuseyso.

Odayaasha Jaaliyada Birmingham ee shirka is xog-wareysiga ah iyo kulanka casho sharafta ah la qaatey weftiga Somaliland ee Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland uu hogaaminaayo iyo gudoomiyaha dallada guud ee Jaaliyadaha yurub SSE Somaliland Societies in Europe iyo qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Jaaliyadaha yurub waxaa ka mid ah odayaasha kulanka joogey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here