Goormee Tiktok laga saari rabaa telefoonkaaga?

0
23

Toddobo maalin ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay in ay ku soo jawaabaan shirkadaha Google iyo Apple oo lagula taliyay inay teleefoonnadooda (suuqyadooda dhijitaalka ah) ka tiraan App-ka Tiktok. Waxaa lagu eedeeyay Tiktok in uu ku xadgudbay xogta gaarka ah isticmaaleyaashiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Federaalka ee Mareykanka Brendan Carr ayaa warqad uu u qoray ku waydiiyay shirkadaha telefoonnada in 8-da bishan Luulyo ay soo kala caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Tiktok.

“Google iyo Apple waxay muddo dheer sheeganayeen inay u howlgalaan hab ilaalinaya xogta gaarka ah ee macaamiishooda. Sidaas daraaddeed waxaan idinka codsanayaa in aad Tiktok ku dabaqdaan siyaasaddiinna oo aad ka masaxdaan suuqyadiinna dhijitaalka ah ee App Store iyo Google Play Store, maaddaama ay u hogaansami waayeen siyaasadahaas.

“Haddii xilligaas ka hor aad tiri waysaan, fadlan jawaabo gaar gaar ah i soo siiya ilaa siddeedda Luulyo oo aad ku sharraxeysaan go’aankiinna,” ayuu yiri Brendan.

Maxaa lagu haystaa?

Shaqaalaha shirkadda oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa la sheegay inay si xiriir ah u isticmaaleen xogta dad Ameerikaan ah ee ku jirta Tiktok.

Brendan Carr oo warqadda uu qoray soo dhigay bartiisa Twitter wuxuu yiri: “Tiktok ma aha sida ay u muuqato oo ah meel lagu wadaago muuqaallo madaddaallo ama shactiro ah. Waa qalab wax lagu basaaso (ilaaleeyo). Wuxuu soo saaraa tiro badan oo xog xasaasi ah oo mid shakhsiyadeed ah.

Tiktok wuxuu ururiyaa wax kasta, laga billaabo bogagga wax laga raadsado ee internetka iyo kuwa website-da laga booqdo.”

Mas’uulku wuxuu ku eedeeyay, isagoo adeegsanaya cilmi-baareyaal in Tiktok uu adeegsado teknoolajiyad xusuusan karta wejiga iyo codka qofka iyo inuu xog ka ururiyo meesha uu qofku ku sugan yahay, farriimaha (oo ay ku jiraan qaar aan weli la dirin – draft) iyo sawirrada mobile-da ku jira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here