Waa kuma janaraalka uu Putin ku kalsoon yahay ee tegay bariga Ukraine?

0
35
Russia

Janaraal sare oo ciidamada Ruushka ka tirsan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay la sheegay inuu booqday furinta hore ee dagaalka Ukraine iyo Ruushka tan oo ah dadaal lagu doonayo inuu gacan ka geysto arrimaha la xiriira dagaalka Ruushka.

Wargeyska New York Times ayaa tebiyay in Janaraal Valery Gerasimov, ​​oo ah Madaxa Ciidamada Ruushka, uu booqday bariga Ukraine, isagoo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Ukraine iyo labo sarkaal oo aan la magacaabin oo Mareykan ah oo wax ka ogaa booqashadiisa.

Mid ka mid ah labada sarkaal ee Mareykanka ah ayaa sheegay “inay qiyaasayaan inuu halkaas u tagay sababo la xiriira in la garwaaqsan yahay inaysan weli xallin dhibaatooyinkooda.”

Booqashada Gerasimov ayaa ku soo aadeysa iyadoo ciidamada Ruushka la sheegay inay wajahayaan niyadjab iyo guuldarrooyin waaweyn — inkastoo tiradu ay kala duwan tahay — iyadoo in ka badan labo bilood uu dagaalku socdo.

Bishii la soo dhaafay, Ruushka ayaa weji cusub oo dagaalka ah la yimid isagoo diiradda saaray gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Donbas, balse Mareykanka ayaa dhowaan sheegay in Ruushku uusan guul la taaban karo ka soo hoyin halkaas.

“Waxaan aragnaa guul yar inay ciidamada Ruushka ka gaareen Donbas,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka. “Ma sameynayaan horumarka ay qorsheynayeen, horumarkaasna maaha mid suurto galaya”

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ay qiimeysan in ciidamada Ruushka ay u muuqdaan kuwo khatar ku jira.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in janaraalkan xilkaas loo magacaabay sanadkii 2012, taas oo micnaheedu yahay in muddo 10 sano ah uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee ka tirsan ciidamada Ruushka.

Wuxuu ahaa taliye sare Dagaalkii Labaad ee Jejniya wuxuuna hore u soo noqday ku xigeenka Nikolai Makarov, oo ah ninka uu xilka kala wareegay.

Wasiirka Gaashaanshigga Ruushka Sergei Shoigu ayaa markii uu Putin magacaabay ku tilmaamay “nin militarinimadu ay hareysay tin ilaa cirrib.”

Russia

Wuxuu ka mid yahay saddex qof, oo uu ku jiro Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Shoigu, oo door muhiim ah ku lahaa go’aannada dagaalka Ruushka, sida laga soo xigtay wargeyska the Times.

Booqashadiisa Ukraine ayaa la sheegay inay dhowr maalin ahayd waxaana meelaha uu tagay ka mid ah Iskuulka No. 12 ee ku yaalla magaalada uu Ruushku gacanta ku hayo ee Izium, taas oo ciidamada Ukraine ay weerar ku qaadeen habeenkii Sabtidii. Sarkaal ciidamada Ukraine ka tirsan ayaa sheegay in ilaa 200 oo askari ah oo ugu yaraan midkood uu janaraal yahay laga dilay ciidamada Ruushka, inkastoo aan loo heyn xaqiijin madax bannaan, balse xilligaas Gerasimov wuu baxay.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka lagu weeraray saldhigga uusan la xiriirin booqashada Gerasimov, balse ay sababtu ahayd in saldhigga uu yahay mid muhiim ah.

Sidee loo arkay magacaabiddiisa?

Russia

Magacaabidda ninkan ayaa waxaa soo dhoweeyay dadka falanqeeya arrimaha Ruushka.

Madaxii hore ee Ciidamada Difaaca Hawada, Janaraal Viktor Yesin, ayaa sheegay in “uu yahay janaraal guulo soo hoyay… oo ka marqaati kacay inuu yahay hoggaamiye caqi badan iyo qabanqaabiye wanaagsan ah”.

Sidoo kale tifaftiraha wargeyska Difaaca Qaranka, Igor Korotchenko, ayaa janaraal Gerasimov ku tilmaamay inuu yahay “qof aad qaali u ah, oo ah wadani dhab ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here