Waa tuma haweeneydan badbaadisay dad badan oo Muslimiin ah?

0
16

Madhulika Singh waa haweeney Hindu ah oo ku nool magaalada Karauli ee dalka Hindiya, waxay ka qeyb qaadatay badbaadinta dad badan oo Muslimiin ah xilli ay rabshado ka dhaceen halkaas horraantii bishan.

Fidnimadii 2-dii bisha April xilli ay socotay munaasbad ay lahaayeen shacabka Hinduuga, waxaa magaalada ku faafay rabshado, waxaana dab la qabadsiiyay xarumo, dhagxaan ayay dadka isku tuurayeen, waxaana rabshadahan ka dhashay isbuurasho, Rabashadahan ayaa u dhexeeyay bulshada muslimiinta iyo kuwa hinduuga.

Madhulika Singh waxay dukaan dharka lagu iibiyo ku heysataa deegaanka Sitabari, mar ay ka hadleysay rabshadaha waxay tiri, “Shacabka Muslimiinta iyo kuwa Hinduuga labaduba cabsi ayaa lasoo deristay, dukaamo ayay ku heystaan halkaas, waxaan ka baqeynay haddii aan dibadda u baxno in nala soo weerarayo, cabsida jirta darteed, waxay iga codsadeen in aan badbaadiyo”

Waxay tiri “Waxaan fadhiyay dukaankeyga, kadibna waxaan maqlay buuq, markaan soo baxay oo aan arkay dadkii dukaanka lahaa oo meheradahooda xiraya, markaan weydiiyay waxay ii sheegeen in bannaanka uu dagaal ka dhacay, markaan arkay dad bannaanka ka yimid, ganacsatadii markaas ayay ii yimaadeen , waxay igu yiraahdeen , na badbaadiya”

Waxay sii raacisay hadalkeeda in maalintii ay rabashadaha ka dhaceen Hindiya ay badbaadisay dad Muslimiin ah iyo kuwa Hindu ah.

“Dhammaantood waxaan geeyay gurigeyga, waxaa kamid ahaa dadkaas 15 qof oo Muslimiin ahaa iyo saddex qof oo Hindu ahaa, waxaan siiyay shaah iyo biyo, muddo ayaan halkaa ku jirnay si aan u ogaano waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda, saddex saacadood ayaa ku sugneyn qolka”

Qaar kamid ah dadkii ay badbaadisay Madhulika Singh

XIGASHADA SAWIRKA,SAGAR SHARMA

Qoraalka sawirka,Qaar kamid ah dadkii ay badbaadisay Madhulika Singh

“Ma ahan in la kala sooco Muslimiinta iyo Hinduuga, Dhammaanteen waxaan nahay walaalo iyo bini’aadam.”

Madhulika Singh waxay sidoo kale sheegtay in weli ay jirto cabsi ah in rabshado kale ay ka dhacaan halkaas, weli dad yar ayaa dib ugu laabtay xarumahooda ganacsi

Madhulika Singh Jadoun waa haweeney 46 jir ah, waxay dukaan ku heystaa goobta ay rabshadaha ka dhaceen, waa haweeney heysta labo carruur ah, waxaa lagu ammaanay tallaabadan ay ku badbaadisay dadka Muslimiinta ah.

Khasaarihii ka dhashay rabshadaha

Rabshadihii dhacay

Labadii bishan April, waxaa Hindiya ka dhacay rabshado u dhexeeyay Muslimiinta iyo Hinduuga, rabshadahan ayaa ka dambeeyay markii hay’adaha Hinduuga ay bilaabeen inay u dabbaaldegaan munaasabad u gaar ah oo ay sanadkii xusaan.

Rabshadaha ayaa markii dambe ku faafay deegaano dhowr ah, dhagxaan ayaa laisku tuurayay halka dab la qabadsiiyay xarumo dhowr ah.

Dadka waxay bilaabeen inay kala cararaan si ay naftooda u badbaadiyaan, ku dhawaad 70 mooto ah ayaa la burburiyay halka qaarkoodna la gubay, dhismooyin iyo dukaamo ayaa dab la qabadsiiyay.

Ku dhawaad ​​35 qof ayaa ku dhaawacmay rabshadahaas.

Waxaan waddooyinka magaalada Karauli la geeyay ciidamo boolis ah si ay xiisadda u dejiyaan, waxaana lagu soo rogay deegaanka bandow si looga hortaggo in xiisad hor leh inay ka dhacdo halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here