Ruushka iyo Ukraine: Maxay yihiin Muslimiinta la kala safan labada dhinac ee dagaallamaya?

0
33

Har[Saxilnews.com]

Dagaalka ka socda Ukraine oo kala qaybiyay culimada Muslimiinta waxa uu halis u yahay inuu xasilooni darro ka dhex abuuro waddamada ku yaalla gobolka Caucasus iyo Bartamaha Aasiya.

Maalmihii ugu horreeyay ee militeriga Ruushka ay sida xowliga ah u wadeen dagaalka ay ku qaadeen Ukraine, ayna isku dayayeen inay galaan magaalooyinka Kyiv, Kharkiv iyo kuwo kale, ciidanka Ukraine-na ay iska caabinta sameynayeen, qoysas badan oo ku nool gobolka Waqooyiga Caucasus ee dalka Ruushka waxay durba billaabeen inay aas u sameeyaan wiilashooda lagu dilay dagaalka.

Mid ka mid ah goobaha uu aaska ka dhacayay oo ku taalla degmada Kurchaloyevsky ee gobolka Chechnya, ayuu wadaad ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta uga dhawaaqay in qoysaska ay ka dhinteen Abdulbek Taramov iyo Tamirlan Isaev uu mid walba heli doono lacag dhan 1 milyan oo rubles (oo u dhiganta qiyaastii$6,400) iyo neef lo’ ah.

Maalmo yar ka hor xilligaas, oo ku beegneyd 27-kii bishii February, wadaad kale oo madaxda muslimiinta ka mid ah oo fadhigiisu yahay caasimadda gobolka Chechnya ee Grozny, laguna magacaabo Salakh Mezhiev, ayaa ku dhawaaqay in dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine uu yahay “Jihaad”.

Waxa uu sheegay in ciidamada Chechnya ay u dagaallamayaan “Qur’aanka iyo Alle dartood” iyo in ay ka badbaadiyaan Ruushka iyo Islaamka labadaba in waxa uu ugu yeeray “Wasakhda” NATO ay sii fiddo.

Markii uu Putin amray galitaanka Ukraine, Madaxweynaha Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Chechnya, Ramzan Kadyrov, ayaa 25-kii bishii February isagana amar ku bixiyay in militerigiisa ay si toos ah ugu biiraan dagaalka iyagoo la safan Ruushka.

Hoggaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov

Hoggaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov

Culimada Muslimiinta ah ee ku sugan Ruushka ayaa si toos ah u taageeray tallaabada uu qaaday madaxweyne Vladimir Putin. Muslimiinta Ruushka waxaa tiradooda lagu qiyaasaa ilaa 20 milyan, ugu yaraan, waana 14% ka mid ah shacabka Ruushka.

Muslimiin isaga hor yimid furinta hore ee dagaalka Ukraine
Dagaal yahannada Muslimiinta ah ee Ruushka waxay soo raaceen militeriga Putin, Hase yeeshee, waxay furinta hore ee dagaalka Ukraine ugu tageen Muslimiin kale oo difaacaya dhulka Ukraine.

Xoogag kale oo ka socda isla gobolka Chechnya ayaa ka barbar dagaallamaya ciidamada Ukraine. Labada dhinacba waxaa ku dhimanaya dagaal yahanno Muslimiin ah oo iska soo hor jeeda. Arrintaas ayaa laga cabsi qabaa in ay saameyn xoog leh ku yeelato xasiloonida gobolka ee guud ahaan.

Reer Ukraine ujeeddadoodu way caddahay, balse dhinaca Ruushka ayaa laga yaabaa in xoogaggan iska soo hor jeeda ee ka wada yimid Ruushka ay khalkhal geliyaan xasiloonida gobolka Caucasus ilaa Bartamaha Qaaradda Aasiya.

Kala qaybsanaanta ayaa durba sii gaareysa Muslimiinta halkaas kasoo jeedda ee qurba joogta ah, kuwaasoo qudhooda fikir iska soo hor jeeda ka qaba arrinta.

Askari
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS/G. GRANICH
Waxaa kale oo saameyn xoog leh oo qallafsan Putin ku noqon karta hadallada ay jeediyeen culimada Muslimiinta ee gudaha Ruushka ku sugan. Su’aalo ayaa ka imaan kara saxnimada dagaalka iyo sida uu u waafaqsan yahay diinta, maadaama qaar ka mid ah wadaaddada ay xitaa gaarsiiyeen heer “jihaad”.

Taas ayaa laga cabsi qabaa in ay xasilooni darro kale ka dhex abuurto Muslimiinta ku nool Ruushka. Dhanka kalena, waxaa cillad keeni kara magacyada dagaalyahannada Muslimiinta ah ee lasoo tabinayo in ay ku dhinteen dagaalka.

Warar soo baxay markii uu dagaalka billowday ayaa sheegayay in unug ka mid ah xoogagga Chechnya ee Muslimiinta ah loo xil saaray in ay si gaar ah u raadsadaan Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayna soo dilaan.

Markii ay soo baxday in militeriga Ruushka ay xaaladda ku adkaatay, iska caabintuna ay ka xoog badnaatay sidii ay filayeen, hoggaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov, oo lagu naaneyso “askariga Daacadda u ah Putin” waxa uu madaxweynaha Ruushka ugu baaqay in la howlgeliyo ciidamo dheeraad ah, si howlgalka Ukraine si dhakhso ah loogu soo gabagabeeyo.

Waxa uu sidoo kale Muslimiinta ku boorriyay in dagaalkaas ay u arkaan, ugana qayb qaataan sidii waajib diini ah.

Ukraine waxaa caawin kara in reer Galbeedku ay hawada dalkaas ka dhigaan meel duullimaadyada ka caaggan, inkastoo cabsida laga qabo dagaalka ay tahay inuu isu baddalo mid ka dhaxeeya Ruushka iyo Nato, taasoo horseedi karta in la adeegsado hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka.

line
Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah
Ma waxaa billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka?
Labo eray oo uu Biden iska yidhi oo khatar cusub u hor seeday Mareykanka iyo Ruushka
Dhowr dhacdo oo tusaale u ah inuu Putin ‘isticmaali rabo’ hubka nuclear-ka
Tuulada yar ee hor joogsatay qorsheyaashii waaweynaa ee Putin
Haddii hubka nuclear-ka la rido xeeladahan isticmaal si aad u badbaadid
Saddex arrimood oo Turkiga uu ka faa’iiday dagaalka Ruushka iyo Ukraine
Turkiga oo shaaciyay waxa uu damacsan yahay Putin oo telefoon kula soo hadlay
Xog ku saabsan hubka nuclear-ka ee uu Ruushka u isticmaali karo Ukriane
Ukraine oo kashiftay in diyaarado uu Turkiga siiyay ay Ruushka isaga dhicisay
line
Mowduucyada la xiriira
Ruushka
Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan
Biden iyo Putin
Ruushka iyo Ukraine: Ma waxaa la galay wejigii koowaad ee Dagaalka Saddexaad ee Adduunka?
29 Maarso 2022
US president Joe Biden delivers a speech at the Royal Castle in Warsaw, Poland, 26 March 2022
Dagaalka Ukraine: Labo eray oo uu Biden iska yidhi oo khatar cusub u hor seeday Mareykanka iyo Ruushka
28 Maarso 2022
Graphic of weaponry presented by Vladimir Putin during his annual address on 1 March 2018
Dagaalka Ukraine: Dhowr dhacdo oo tusaale u ah inuu Putin ‘isticmaali rabo’ hubka nuclear-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here