Ruushka iyo Ukraine: Ma waxaa la galay wejigii koowaad ee Dagaalka Saddexaad ee Adduunka

0
35

Har(Saxilnews.com)

Markii dhinacyada qaar laga eego xaaladda Ukraine waxaa la arkayaa astaamo muujinaya Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, sida uu qabo qoraa Paul Poast.

Marka la fiiriyo mustaqbalka, wixii dhacay 24-kii February, 2022, dadka taariikhyahannada ah waxay dhihi karaan ma ahayn billowgii Dagaalka ay ciidamada Ruushka ku galeen dhulka Ukraine, balse waxay dhihi karaan waxaa la galay billowga Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, sida uu sheegay seynisyahanka dhinaca siyaasadda, Paul Poast.

Seynisyahankan oo bare ka ah Jaamacadda Chicago, sidoo kalena khabiir ku ah sida awooda dhaqaale ay xuddun ugu tahay dagaalka, waxa uu ku doodayaa in ka qayb galista Dagaalka aysan ku ekeyn oo keliya in ciidamo loo diro jiidda hore.

Isagu wuxuu aaminsan yahay in hubeynta dhinac ka mid ah kuwa dagaallamaya ay la mid tahay in toos looga qayb qaatay dagaalka.

Sidaas awgeed, Mareykanka iyo Isbahaysiga Nato – oo isbuucyadii lasoo dhaafay taageero balaayiin doolar ah siinayay Ukraine, Ruushkana kusoo rogay cunaqabateynno dhaqaale oo culus – waxay ka mid yihiin dhinacyada sida tooska ah ugu jira dagaalka hadda socda.

Mar haddii ay dagaalka qayb ka yihiin dalalka quwadaha waaweyn ee Mareykanka, Ruushka iyo Bariga Yurub, waxay taas ka dhigan tahay inuu billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.

Waxaa jira dhacdooyin taariikhi ah oo taageeraya hadalka seynisyahankan. Midda ugu weyn, oo isaguba uu soo xigtay waa weerarkii uu Japan ku qaaday saldhigga Pearl Harbor, oo ahaa fal Mareykanka sabab ugu noqday in uu lugaha la galo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Sabab la mid ah taas ayuu aaminsan yahay Mr Poast in ay dhici karo – wuxuuna sheegay in xilli walba laga yaabo in Ruushka uu weeraro Poland, oo ah halka ay inta badan la marsiiyo gargaarka loo wado Ukraine ee laga soo qaaday Mareykanka iyo Nato.

Haddii Poland oo xubin ka ah Nato la weeraro waxaa Dagaalka toos u galaya dhammaan dalalka ku jira Nato, arrintaas oo ah sharci u yaalla isbahaysiga Nato.

Dhowr arrimood ayuu hoosta ka xariiqay Mr Poast oo wareysi siiyay BBC-da.

Ma waxaan ku jirtaa Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka annagoo fahansaneyn?

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, waxa uu noo sheegay in aah hadda ku jirno Dagaalkii addexaad ee Adduunka. Hoggaamiyeyaal kale iyo khubaro ayaa iyagana sidaas wax u eh yidhi.

Paul Poast waa seynisyahan siyaasadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Chicago

Jawaabta laga bixinay su’aasha ku aaddan in lagu jiro Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka waxay ku xiran tahay sida uu qof walba u yaqaanno marxaladdaas.

Dadka qaar baa aaminsan in dagaal noocaas uu dhacayo oo keliya marka la isu adeegsado hubka nuclear-ka, kaasoo runtii noqon doona dagaal aad u kooban maadama rasaastu ay tahay nuclear, oo neef ahaan loo qaadanayo, dhimashadiisuna ay aad u badnaaneyso.

Qaar kalena waxay u yaqaannaan in dagaalka noocaas ah uu meelo badan oo adduunka ka mid ah ka dhaco hal waqti oo isku mid ah.

Haddii sidaas ay tahay dagaalka hadda socda laguma tilmaami karo kii saddexaad, maadaama uu Ukraine keliya ka socdo hubka wax gumaadana aan la isticmaalin.

Balse Mr Poast sida uu qabo, in Dagaalka Saddexaad ee Adduunka lagu jiro waxaa lagu fahmi karaa inta wdadan ee ku lugta leh waxa socda. Haddii waddamo kala duwan oo awoodda ugu sarreysa caalamka ku leh ay saameyn ku leeyihiin waxa ay noqoneysaa markii ugu horreysay ee taasoo kale ay dhacdo tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

“Sababo badan marka la fiiriyo, waxay ila tahay in lagu jiro qaybihii ugu horreeyay ee waxa ay taariikhyahannadu marka dambe ku tilmaami doonaan Dagaalkii Saddexaad, inkastoo hubka nuclear-ka aan la adeegsanin wali,” ayuu yidhi.

Sababaha ugu waaweyn ee uu sidaas ugu maleynayo waxaa ka mid ah in ugu horreyn uu dagaalkan ku jiro waddan ka mid ah kuwa ugu awoodda badan adduunka, oo ah Ruushka. Tan labaadna, inkastoo waddamada kale ee quwadaha waaweyn aysan si toos ah ugu jirin, aad ayay ugu dhow yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here