Maxaa sababay in Hindiya ay noqotay meesha ugu badan ee loo aaddo arrimo caafimaad

0
23

Har(Saxilnews.com)

Hwan Francisco Paladins, waa 56 sano jir ku nool magaalada Santiago ee dalka Mareykanka, waana injineer dhanka warshadaha ah. Wuxuu dalka Hindiya u tagay caafimaad, dhakhaatiirta dalkaas ayaa u sheegay in calamadaha lagu arkay ay tilmaamayaan in Hwan ay buro maskaxda uga taalo.

Hwan waxa uu yiri, “Waxay ahayd xilli nolosheyda aad ugu adag, nasiib wanaag waxaan haystay saaxiiibo iyo qoys heegan u ah inay i caawiyaan. Taas ayaana kalsooni badan isiisay.”

Dhakhaatiirta qalliinka ayaa u sheegay Hwan in burodiisu ay tahay mid aan caadi ahayn oo aanay sahlanayn in gabi ahaanba la qaliin lagu baabi’iyo.

Baaritaannada lagu sameeyay afarta sano ee xigtay ayaa waxay muujiyeen in cabbirka burada aysan weynayn. Waxa uu yiri, “Wax walba si wanaagsan ayay u socdeen, xitaa waan illoobay inay buro igu taalay.”

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2019-kii, calaamadaha ayaa mar kale dib soo noqotay.

Bishii Noofambar 2021, wuxuu u yimid Hindiya caafimaad. Isbitaalka ayaa waxa uu ka caawiyay qorshaynta joogitaankiisa.

Hwan waxa uu yidhi, “Dhammaan arrimahan oo dhami aad bay muhiim u yihiin, kumanaan mayl ayaan u jiray, waxa ay ii ahayd waddan igu cusub, waxa kale oo aan maskaxdayda ku jiray cabsi. Luuqadda iyo dhaqanku sidoo kale way kala duwanaayeen.”

Hwan wuxuu ka mid yahay kumannaanka qof ee dalka Hindiya u yimaada caafimaad sannad kasta.

Cilmi Baaris: “Habaarka ama dhibaatada” sodohda
Haweeney si weyn uga guulaysatay ra’iisal wasaaraha Hindiya
Jilaa caan ka ah Hindiya oo kufsi loo haysto
Intii u dhaxaysay 2016 iyo 2019, tirada bukaannada u taga Hindiya caafimaadka waxay u dhexeeyeen 430000 ilaa 700,000 oo qof.

Sanadkii 2019, waaxda dalxiiska caafimaadka ee Hindiya waxay samaysay lacag gaaraysa $9 bilyan oo doollar.

Dr Dinesh Madhavan
XIGASHADA SAWIRKA,APOLLO HOSPITAL ENTERPRISES
Kaalinta Hindiya ee Koonfurta Aasiya
Balse xayiraadaha safarka ee la soo rogay intii lagu jiray faafitaanka Covid-19 ayaa sababay inay yaraadan tirada dadkii caafimaadka u imaan jiray dalka Hindiya.

Marka la eego xogta Wasaaradda Dalxiiska ee Hindiya, sanadkii 2021, kaliya 183,000 ajaanib ah ayaa Hindiya u yimid caafimaad. Tiradaas waxay 73% ka yartahay tirada dadkii yimid 2019-kii.

Waddamada kale sida Thailand, Malaysia iyo Singapore, kuwaas oo caan ku ah dalxiiska caafimaadka ayaa sidoo kale waxa saameeyay xayiraadihii la xirriiray safmarka covid-19.

Dinesh Madhavan, oo ah madaxa kooxda Oncology ee International Apollo Hospital Enterprises, ayaa sheegay in Hindiya ay leedahay tirada ugu badan ee dhakhaatiirta Koonfurta Aasiya.

Waxa uu yiri, “Dhaqankeena hodanka ah iyo caafimaadka casriga ah waxay suuragelisay inay dad badan Hindiya u xushaan halka ay ku kalsoonyihiin.”

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here