CABDIRAXMAAN CIRO TAAGEERAYAASHIISA UGU BAAQAY INAY UDIYAAR-GAROOBAAN DOORASHADA MADAXTOOYADA

0
17

Hargeysa(saxilnews.com)-Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo tageerayaashiisa la hadlayey, ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobaan doorasho madaxtinnimo 13 ka November 2022-ka.

 

Qoraal lagu baahiyey bogga uu Musharrax Cirro ku leeyahay Facebook,  ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda ee soo baxay uu gogol xaadh u yahay, doorashada madaxtinnimada oo qabsoonta xilligeeda.

Qoraalka Musharraxiin Cabdiraxmaan Cirro kaga hadlay arrintan, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee 16ka Januaray 2022- ka soo baxay, waxa uu gogol xaadh u yahay in Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku qabsoonto xilligeeda Dastuuriga ah ee November 13 2022.” 

Cirro oo la hadlaya Taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxa uu qoraalkiisa ku yidhi; “Waxaan farayaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo shacabka Somaliland-ba in ay u diyaar garoobaan doorasho Madaxtooyo oo dalka u horseeda isbeddel caddaaladdeed iyo dawladdeed oo dunidu innagu majeerato.”

Doorashada madaxtinnimada Somaliland iyo doorashada Ururrada oo labaduba qorshaysan sannadkan 2022-ka, ayaanay weli kala caddayn ta soo horreynaysaa, inkasta oo dhinac kastaa sheeganayo in midba ta kale ka soo horreyso Mucaaradka iyo Muxaafadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here