Home Warka Muqdisho: Macallimuu iyo sida dirqiga ah ee uu uga badbaaday afar weerar...

Muqdisho: Macallimuu iyo sida dirqiga ah ee uu uga badbaaday afar weerar oo hore

0
16

RW Rooble oo booqday Macallimuu
 

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, ahna weriyihii hore ee BBC Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa lagu soo warramayaa in hadda ay xaaladdiisa soo hagaageyso, laguna dabiibayo cisbitaal ku yaalla Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku booqday cisbitaalka, waxaana uu u rajeeyay caafimaad.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa afar goor oo hore ka badbaaday qaraxyo iyo weerarro ka dhacay goobo uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

16-kii August 2020, weerar ku bilowday qarax oo ay xooggaga Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Elite ayaa Macallimuu xilligaas waxa uu ku waayay saaxiibkii ay xilligaa wada fadhiyeen, Cabdirisaaq Cabdi oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda warfaafinta.

Qoraalka Muuqaalka,Weriye Macallimu oo afar qarax ka badbaaday

Macallimuu oo xilligaas BBC uga warramay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in markii uu qaraxa dhacay uu marxuumka ku cararay dhanka ay rasaasta ka dhacaysay, sidaana uu ku soo gaaray dhaawac halis ah oo uu daqiiqado yar kadib u geeriyooday.

“Waxaan xaqiiqsaday dhanka ay xabbada ka soo dhacaysay, kadibna waxaan u cararay dhinaca xeebta Liido [oo ku dhegan huteelka]. Waxaan iska siibay funaanad cagaar ah oo aan xirnaa maadaama ay sahli kartay in kooxda weerarka ay si fudud ii toogato,” ayuu Macallimuu xilligaa u sheegay BBC.

Waxa uu ka warramay dedaalkii dheeraa ee uu u galay inuu helo saaxiibkii Cabdirisaaq noolal iyo geeriba. Waxaa loo sheegay in dhaawac ahaan loogu qaaday cisbitaal, balse uu markiiba dhintay.

Saxafigan ruug-cadaaga ah ayaa sheegay inay si weyn u taababatay gerida ninkaas oo ay maalinkaa isu raaceen huteelka Elite, muddo kooban gudaheedna ku dhintay weerarkaas.

Macallimuu ayaa ka badbaaday weerarkaas oo ay ku dhinteen 20 qof iyo shan nin oo ah kuwii weerarka fuliyay.

Weerarkii Elite

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Weerarradii hore

Dhammaadkii bishii February 2019, Macallimuu ayaa ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Maka Al-Mukarama iyo goobo u dhaw, waxaana ka soo gaaray dhaawac fudud , gaar ahaan gacanta.

“Waxaan ku cararay duleel uu derbiga huteelka ku sameeyay gaarigii qarxay,” ayuu sheegay Macallimuu.

Sanadkii 2016, Macallimuu ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen huteel ku yaalla xeebta Liido.

“Balli dhiig ah ayaan ku jiray muddo ka badan laba saacadood. Waxa uu dhaawac xun iga soo gaaray wejiga. Bilooyin badan ayaa la igu daweynayay cisbitaallo ku yaalla Nairobi iyo London,” ayuu Macallimuu u sheegay BBC.

Sanadkii 2013, Macallimuu ayaa la kulmay weerar ay A-Shabaab ku beegsatay xaruntii UNDP ee Muqdisho, iyadoo ay waxyeello ka soo gaartay gaarigii uu watay.

Macallimuu ayaa sheegay in marar badan ay qoyskiisa kala taliyeen tegidda goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, gaar ahaan maqaayadaha.

Waxa uu tilmaamay in weerarkii huteel Elite uu saameyn ba’an ku yeeshay, isla markaana uu aad uga naxay in saaxiibkii ay wada fadhiyeen uu daqiiqado gudahood ku waayo.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa Axadii waxa qof ismiidaamiye ah uu ku beegsaday xilli uu galayay gaarigiisa oo yaallay meel u dhaw isgoyska Dabka ee Muqdisho, sida ay sheegeen booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here