Berbera(saxilnews.com)-Maalintii 5aad Waxa Aan Wax Badeecada Laga Cashuurin Dekeda Berbera Kadib Markii Ay Shirkada Dekeda Maamusha Ee DP World Kordhisay Dhamaan Lacagaha Adeegyada Ay Qaado.
Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa iyaduna ganacsatada ku wargalisay bilawga Sanadkan 2022 badeecadaha ay dalka keenaan Kolkay cashuuranayaan inay soo raaciyaan Warqada Invoice-ka ay badeecadaha ay kusoo Iibsadaan.
Sida ay ii xaqiijiyeen ganacsatada iyo shaqsiyaad kaloo hawlaha dajinta Dekeda ka shaqeeyaa maalintii waxa Dekeda ka bixi jiray celcelis ahaan ilaa 400 Koonteenar oo Badeecado kujiraan Waxaana Mudadan 5 maalmood ku Xaniban 2500 oo Koonteenar oo badeecado Kala duwani kujiraan oo Ganacsatadu ka magtay inay cashuurtaan oo Lacagtaas la kordhiyayna bixiyaan waana culays Saaran Barxada Dekeda oo xad dhaafa ah.
Sidoo kale waxa galabta ilaa caawa dekeda soo gaadhaya laba Markab oo ah kuwa Koonteenarada xambaara oo iyagna qiyaas ahaan la sheegay inay sidaan 1500 koonteenar oo ku biiraya 2500 ee hore uyaala barxada Dekeda hadaan xal laga gaadhin lacag kordhinta ay Shirkada Dp World samaysay ee hakadka galiyay shaqadii cashuurta badeecadaha waxa la hubaa in dakhliga wax soosaar ee dalku hoos udhici doona sicir bararkii dalka kajirayna sii laban laami doono Odoroskii miisaaniyada Qaranku isdhaafi doonto aanay noqon doonin sidii la filaayay kastamka Berbera waa furdada dhaqaalaha ee Somaliland dakhliga ugu badani kasoo baxo.
Waxa kaloo iyaguna mudadan 5ta maalmooda Aan xoogsi tagin guud ahaan shaqaalihii Muruqmaalka ahaa ee noloshoodu ku Tiirsanayd Dekeda iyo ka shaqaynta Badeecadaha marka laga reebo shaqaalaha Mushaharka ah ee ushaqeeya Dp World.
Xukumada Somaliland iyo ganacsatada oo la sheegay in shirar uga socdaan Hargeysa ayaan Ilaa hada wax wari kasoo bixin.
Sonaliland waayadan dambe waxa kajiray sicir barar saameeyay nolosha dadka iyo abaaro ku Biiray oo dad iyo duunyaba taabtay waxa kaloo jira xanuunka safmarka ah ee covid19 manay Ahayn xiligii lacago adeeg ah la kordhin lahaa in La dhimo mooyaane.
Doorkii Dawladnimo waa la tabayaa.