Diblumaasi Maraykan Ah Oo Isbarbar-Dhigay Doorashadii Somaliland Iyo Xaaladda Xilligan Ee Soomaaliya!

0
22

USA(saxilnews.com)-Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u Qaabilsanaa Gobolka Geeska Afrika iyo sidoo kale Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsnaa Gobolka Harooyinka Waaweyn Dr. J. Peter Pham, ayaa ka hadlay Xaaladda xilligan Soomaaliya ka taagan oo Salka ku haysa muran ka dhashay Doorashooyinka dib u dhacay iyo doorashooyinkii isku-sidkanaa Ee ka dhacay Somaliland sannadkan dhamaadka ah.

Dr. J. Peter Pham oo Qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland ay xaqiijisay Doorasho Qof iyo Cod ah iyo weliba in Xisbiyada Mucaaradka ahi ka guulaysan karaan Muxaafidka, taasi oo tilmaan u ah Heerka Nidaamka Dimuqraadiga ahi ka gaadhay Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaysay in aanay suurto-gal ka ahayn oo keliya Doorasho Qof iyo cod ah, balse xisbiyada mucaaridku ay xataa u guulaysan karaan sidii ay ku guulaysteen tartankii doorashada Golaha Sharci-dejinta ee sanadkan..”

Ambassador Pham oo taa barbar-dhigaya Xaaladda ka taagan Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo  iyo kuwa la midka ah ee Xamar joogaa aanay doonayn in doorasho la qabto “Madaxweyne Farmaajo oo hore u ahaa Muwaadin Maraykan ah iyo kuwa la mid ah ee Xamar joogaa ma doonayaan doorasho..”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here