Sharciyo cusub: Imaaraadka Carabta oo loo fasaxay filimada anshax xumada

0
23
Imaaraadka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa go’aansatay in hadda wixii ka billowda filimada loogu talo galay dadka waaweyn aan la xakameyn doonin, markii shaleemooyinka laga sii deynayana shuruud looga dhigi doono oo kaliya in da’da dadka la fiiriyo, qof walba oo 21 jir ah ama ka weynna loo fasixi doono.

Wasaaradda Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Shuruucda Warbaahinta ayaa sheegtay in ilaalinta da’da ee ku asteysan 21 la hirgeliyay laga billaabo 19-kii bishan December, taasoo ka dhigan in dadka da’daas leh ay daawan garaan filimada aan oo aan waxba laga jarin.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu qeexay in filimada caalamiga ah laga daari doono shaleemooyinka, hase ahaatee aad loo adkeyn doono sharciga da’da, sida uu qoray wargeyska dowladda Imaaraadka.

Maamulka shaleemooyinka ayaa loogu baaqay inay dadka weydiiyaan sharciga aqoonsiga, si ay da’dooda u xaqiijiyaan.

Horay waxaa Imaaraadka looga daari jiray filimada caalamiga ah balse waxaa sharci ahayd in laga reebo meelaha anshax xumada ah ee ku jira filimadaas.

Ilaa hadda da’da ugu sarreysa ee lagu xiri jiray daawashada filimada waxay ahayd 18 sano, ka hor inbaddalkan ugu dambeeyay.

Sanadkii 2018-kii ayay dowladdu xeerka da’da usoo dejisay madadaalada heerka sare ah. Kuma eka filimada oo kaliya, balse waxaa sidoo kale ku jira buugaagta iyo muuqaallada ciyaaraha.

Inkastoo dowladda Imaaraadka Carabta lagu tilmaamo mid ku dhaggan sharciga, haddana waa mid ka mid ah waddamada ugu furfuran Khaliijka Carabta, iyadoo si guud u tixgelisa diimaha iyo dhaqamada kale.

Film

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shuruucda cusub ee dhawaan lasoo rogay, ayaa dhigaya in ragga iyo dumarka ay isla noolaan karaan iyagoo aan is guursanin, halka meesha laga saaray xeerarkii xaddidayay cabidda khamriga iyo iibintiisaba.

Marka la eego dunida Carabta, Imaaraadka ayaa ka mid ah waddamada ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee isticmaala internet-ka. Balse macluumaadka ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo diinta ayaa aad loola socdaa.

Wararka warbaahinta ayaa sidoo kale si dhow loola socdaa, waxaana laga maamulaa dhanka siyaasadda.

‘Isku day dib loogu soo jiidanayo maalgashiga caalamiga ah’

Abby Chaseman oo lagu soo xigtay Wargeyska The Times ee kasoo baxa Britain ayaa sheegay in markii filimka ‘The Wolf of Wall Street’ la geeyay Imaaraadka Carabta sanadkii 2014-kii laga jaray qiyaastii 45 daqiiqo oo ka mid ah.

Gawaari

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sida uu sheegay, Imaaraadka ayaa horay u lahaan jiray heerka da’da filimada ee 18-plus, balse filimada caalamiga ah oo dhan ay soo galayeen xeerka mamnuucaya meelaha anshax xumada ah iyo kuwa la dhibsan karo.

“Waddamo badan oo Carbeed ayaa laga mamnuucay filimka Westside Story, oo bishan kasoo baxay UK,” sida lagu sheegay warbixinta wargeyska.

Sababta loo mamnuucay ayaa lagu tilmaamay maadaama ay ku jiraan jilayaal matalaya inay yihiin shakhsiyaad isku jinsi ah oo iscalmaday.

Waxaa lagu soo warramay in Imaaraadka iyo dalalka kale ay ka codsadeen shirkadda Disney inay filimka ka jarto meelaha ay ku jiraan jilayaashaas, balse ay ku gacan seyrtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here