Gunta dagaalka ka socda Boosaaso ee u dhaxeeya ciidamada PSF iyo kuwa Puntland

0
19
.

Waxaa saaka barqadii magaalada Boosaaso ka dhacay dagaal xooggan oo khasaaro geystay kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta, inkastoo aanan weli si rasmi ah loo xaqiijin in dagaalkaasi uu dhimasho sababay.

Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa inay jiraan dad ka barakacay magaalada, kuwaas oo u qaxay duleedka iyo xaafadaha kale ee magaalada.

Weriye Maxamed Xassan Dhalo ayaa sheegay in isbitaalka oo uu booqday uu ku arkay dhaawacyo haatanna ay u xaaladda yara degtay inkastoo weli la maqlayo rasaas teel teel ah.

Dhanka kale duqa magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo BBC wareysi siiyay ayaa sheegay in dhinaca ka soo horjeeda ay dagaalka bilaabeen.

Waxa uu sheegay in dowladda ay muddo bil ah u dulqaadanaysay ayna ku dedaashay in magaalada aysan xabad ka dhicin oo aan shacabka lagu dul dagaalamin.

Waxaan u sheegeynaa shacabka reer Boosaaso, dowladda waxbadan ayay dul-qaadatay nimanka nabad diidka ah, waxbadan ayay nabad iyo waan waan howshaas ka gashay balse saaka ayay bilaabeen inay xabad la dhacaan dadka ,waxaana shacabka reer boosaaso ugu baaqeynaa inay dowladdooda la shaqeeyaan.

Gunta dagaalka ka socda Boosaaso?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bisha November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Ciidamada la dagaalanka aragigixsada Puntland ee PSF ayaa horay u sheegay in lagu fashilmay tallaabo la doonayay in ciidamada la isaga horkeeno, kadib muuqaal ay soo dhigeen PSF bogga ay ku leeeyihiin Facebook.

Waxaa muuqaalka lagu arkayay tiro kamid ah ciidamada Puntland oo sheegayo in aanay diyaar u aheyn inay weeraraan PSF.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo BBC-da xilligaas la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin waddo kale oo u furan hoggaanka hay’addaasi oo aan ka ahayn in agaasimaha PSF uu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni magacaabay.

Wasiirku waxa uu agaasimaha xilka laga qaaday ku eedeeyay dib-u-dhaca ku yimid ku kala wareegidda xilkaasi, wuxuuna sheegay in uu ku rajo weyn yahay in xilkaasi lagu kala wareegi doono.

Tan iyo markii ay soo baxday wareegtada madaxweynaha Puntland, waxaa magaalada Boosaaso soo gaarayay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa PSF-ta oo u muuqday in ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadista agaasimaha hay’addaasi, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Hay’addan ayaa waxaa marar badan soo maray khilaaf dhexdeeda ah iyo mid kala dhaxeeya hoggaanka Puntland, waxaana arrintaasi loo aaneynayaa in qaab ahaan ay ka madax-bannaantay dowladda balse hoggaanka Puntland ay doonayaan in ay maamulkeeda gacan ku yeeshaan.

Ciidamadan horey waxay u ahaayeen PIS balse waxaa loo kala saaray milatari oo ah PSF iyo mukhaabaraad PIA ah sababo la xiriira khilaafka joogtada ah ee hareeyay ciidankan iyo hay’adda maamushaba.

.

Maxay yihiin ciidamdaa PSF

Sida uu horay noogu sheegay Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

“Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen.” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here