Muuqaal ay iska duubeen Malala iyo ninkeeda oo hadal-heyn badan dhaliyay

0
18

Baraha bulshada waxaa aad loogu faafiyay muuqaal ay iska soo duubeen haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta Nobel-ka, Malala Yousafzai iyo seygeeda Asar Malik.

Lamaanahan ayaa isku xujeysanayay waxyaabo ay doonayaan inay yool ka dhigtaan fulintooda marka uu billowdo sanadka cusub ee foodda nagu soo haya.

Muuqaalkan hadal-heynta wayn dhaliyay ayaa lagu arkayaa Malala iyo Asar oo ku ciyaaraya goob ay qalin ku tuurayaan, iyagoo mid walba uu sheegayo waxa ay tahay inuu sameeyo sanadka soo socda.

Malala oo inta badan lagu yaqaanno howlaha la xiriira ololaha waxbarashada iyo taageerada gabdhaha ayaan looga baranin muuqaallada noocan oo kale ah

Maxay ku sameynayaan muuqaalka?

Arooskan cusub ayaa waxyaabaha ay sheegayaan hirgalinaya marka uu qalinka lasoo tuuray ku dhex dhaco koobka hortooda yaalla.

Marka ugu horresa ee uu billowdo muuqaalka oo ah qiyaastii daqiiqad iyo bar, Malala ayaa dhaheysa su’aasha hore – oo dhaheysa ma billaabaa gym sanadka soo socda, balse marka ay qalinka tuurto ayay la gafeysaa koobka.

Markaas kaddib Asar ayaa dhahaya – masoo iibsannaa qalabka ciyaarta Play Station-ka, balse qalinkii ayuu isagana la gafayaa koobka.

Qodobka labaad ee ay dooneyso inay sameyso ayay Malala ku dhawaaqeysaa – Asar miyuu xiirayaa garkiisa? Kaddib intey qalinka kas ugu tuurto dhinac kale ayay dhaheysaa “Maya, laguuma oggola inaad sidaas sameyso. Haddii aad saas sameyneyso waad ka tageysaa guriga.”

Waxaa la gaaray tookadii Asar. Wuxuu su’aashiisa ka dhigay – Malala inay soo adeegato ma aha bilaha soo socda ‘Adeeg ma jiro bisha January’?

Balse qalinka kuma dhacayo koobka, Malala ayaana aad u farxeysa marka ay aragto inuu la gafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here