Waxa uu ku yaalaa dhulka engegan ee saxaraha kulul ee koonfurta Maali, Masjidka wayn ee Djenné waa qaabdhismeed indaha dadka markiba soo jiidanaya.
Waxaa uu dherirkiisu gaaraya ilaa 20 miitar halka ballaciisana uu yahay 91 miitar, waana dhismaha ugu dheer dunida ee dhooba laga sameyay. Masjidkan naqshadiisa ayaa kamid ah waxyaabaha ay ku caanyihin dadka gobolka saaxil ee loi yaqaano sudano. Masaajidka Gargantuan shaki la’aan waxaa uu udub dhexaad u yahay nolosha ee magaalada hay’adda dhaqanka UNESCO waxay masaajidka u aqoonsatay mid dhaxal iyo taarikh gaar ah leh ee Djenné
Dadka halkan waxay ku bartaan Quraanka Kariimka
Magaaladan waxay ku taal meel u dhaxaysa webiyada Niger iyo Bani, Djenné waxa la degganaa in kabadan 250 sano, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da’da weyn ee ku yaalla wixi ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Waxay kobacday intii u dhaxaysay Qarnigii 13aad iyo 18aad iyada oo ah xuddunta gaadiidka muhiimka ah ee alaabaha sida milixda iyo dahabka.
Ganacsatada safarka ku mareysay deegaankan ayaa halkan keenay macallimiin iyo buugaagta diinta islaamka, wixii markaas ka dambeyayna diinta islaamka ayaa ku fidday gobolka idilkii.
Waqti badan kuma qaadanin Djenné in ay noqoto xaruun lagu barto cilmiga diinta Islaamka, iyada oo dhismaha Masjidka weyn ee hadda la dhisay 1907-dii. Saamaynta Islaamku way caddahay maanta, iyadoo ardaydu inta badan qur’aanka ku bartaan waddooyinka Djenné.
Masjidkan weyn waxa uu leeyahay saddex minaaradood oo kala duwan, oo leh boqollaal ulood oo lagasoo jaray geedka timirta, oo loo yaqaan ‘toron’, kuwaas oo ka soo baxay gidaarada dhismaha.
Masjidkan weyn waa mid qabow xitaa inta lagu jiro maalmaha ugu kulul. Shabag ka kooban 90 tiir oo alwaax ah oo gudaha ah ayaa taageera saqafka iyo darbiyada, kuwaas oo ka ilaaliya kulaylka qorraxda.
Dhanka kale, saqafka, ayaa leh dhowr dalool oo u fududeynayso in hawo nadiif ah ay masjidka soo gasho xilliga kuleelyka, laakiin inta lagu jiro xilliga roobka waxaa la saara caws badan. Xilliyada salaadda, masaajidka waxaa uu qaadi kara ilaa 3,000 oo qof.
Darbiyada Masjidkan Wayn ee Djenné waxa dib loogu dhisaa dhoobo bisha afaraad ee (Abriil) sanad walba dhacdo hal maalin ah oo hal-abuur leh oo la yidhaa Crépissage (dhoobada).
Qaab dhismeedku masjidka wuxuu u baahan yahay in la xoojiyo sannad walba – si la mid ah guryaha caanka ah ee magaalada ee dhoobada ka sameysan- ka hor xilli-roobaadka kooban ee Maali, oo inta badan dhaca Juulaay iyo Ogosto. Roobabka xilligan da’a ayaa ooah kuwa xoogan.
Hawshan baaxadda leh waxay xaqiijinaysaa in masaajidku uu badbaadi doono xilli-roobaadka, inkastoo uu qaabkiisu isbeddelo sannad kasta.
Dhoobada ma aha oo kaliya arrin muhiim ah oo dayactir ah oo loogu talagalay in laga ilaaliyo derbiyada masaajidka inay dillaacaan oo ay burburaan, laakiin sidoo kale waxay dabbaaldeg u tahay bulshada Djenné, marka laga fiiriyo dhanka taarikhdooda iyo dhaqanka soo jireenka ah iyo iimaankooda.
Ka hor inta masjidka doobada la saarin ayaa waxaa habeenkaasi dhaco in dadka magaaladaasi ay soo jeedan iyagoo qaarkood dabbaaldego halka kuwa kalena ay cibaadeystaan oo ay Allah-bari dheeraad ah sameeyaan. Saacaddu marka ay gaarto 04:00 subaxnimo waxay astaan u tahay bilawga mid kamid malmahooda ugu wacan ee taariikhda dadka magaalada Djenne.
Marka uu dayactirka uu socdo, koox walba oo ka socota xaafad kasta oo Djenné ah ayaa u tartanto inay dib u dayactiran masaajidka, iyagoo howshaasi u fulinaya si taxadar leh oo sax ah.
Iyadoo howsha dayactirka masjidka ay kaormeerayaan koox ka kooban 80 injineero sare ah, kuwaas oo xirfaddood aad looga ixtiraamo Djenné
Dhammaan bulshada ayaa gacan ka geysata dadaalka, koox kastaa waxay ciyaaraysaa door gaar ah. Xaafad walba oo Djenne waxay leedahay kaalin gaar ah oo loogu talagay inay dhameystirto Marka lagu daro shaqada dhabta ah ee dayactirka, ragga ayaa loo xilsaaray inay diyaariyaan qalabka dhismaha ee loo yaqaan Banco.
Saqiir iyo kabiir, rag iyo dumar dhamantood uma kala haraan maalinkaas inay dayactiran oo ay hagaajiyaan Guriga ALLAH (SW).