Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo war kasoo saaray dagaalka ka socda Itoobiya

0
16

 Adisabab- (Saxilnews.com)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka muddada sanadka ah ka socda Itoobiya kaas oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga TPLF.

Golaha ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee sii hurinaya naceybka iyo colaadaha, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

Waxaa sare u kacay xiisada ka dhalatay kacdoonka Tigreega ee ku wajahan Addis Ababa.

Jabhada TPLF ayaa sheegtay in ay u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa lagu hayo qowmiyadda Tigreega.

Saacado ka hor 9 kooxood oo dowladda Itoobiya ka soo horjeeda ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.

Ugu yaraan 8 qof ayaa dhimatay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob ay ka socotay bandhig faneed gudaha magaalada Houston ee gobolka Texas dalka Mareykanka.

Dadkan ayaa si xooggan isku buurtay xilli ay ku xoomayeen masraxii lagu soo bandhigayay heesaha, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadk deg dega ah.

ilaa 11 qof ayay dhibaato soo gaartay markii uu wadnaha istaagay halka 8 qof ay ku dhinteen goobta.

Ku dhawaad 300 qof ayuu soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana bandhig faneedkan ka qeybgalayay 50,000 qof.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka aanu haysan taageerada shacabka, isla markaana uu yahay mid siyaasad ahaan liita.

Sagaal urur ayaa Washington uga dhawaaqay olole xukunka looga tuurayo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed xoog iyo wahadalba kii ay noqoto.

Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada TPLF ayaa ka socdaa deegaanno ka tirsan gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Shaley ayay aheyd markii taliyaha militariga Itoobiya uu ugu baaqay askartii hore uga tirsanaan jirtay militariga inay dib ugu soo biiraan ciidanka, si ay ula dagaalamaan jabhadda TPLF.

Codsigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xoogaga fallaagada – ee ay hormuud ka tahay TPLF ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Addis Ababa.

Hadaba xaaladihii u dambeeyay ee Itoobiya waxaa warbixintan ku eegaya weriye Ismaaciil Buurgaabo oo ku sugan Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here