Somalia: Rooble Oo Sheegay In Kiiska Ikraan Tahliil Laga Duwayo Cadaaladda .

0
21

Muqdisho (Saxilnews.com)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tibaaxay in kiiska Ikraan Tahliil Cadaakadda laga leexinayo, iyadoo xilligan Maamul gobolleedyada dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ay weli ka caga-jiidaya in ay soo dhammaystiraan murrashaxiinta Aqalka sare ee laga sugayo si looga gudbo marxaladaa.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu ugu baaqay maamul gobolleedyada in ay soo dhamaystiraan xulista murrashaxiinta laga sugayo, wuxuuna sidaa ka shseegay mar uu maanta hadal ka jeediyey munaasibad lagaga hadlayay murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka ee laga sugayo, sidaa awgeed wuxuu kula dardaarmay Ergada wax dooranaysa in sababaha lagu kala dooranayo murrashaxiinta ay noqdaan kuwo ku salaysan, daacadnimo iyo Allah ka cabsi.

 

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble doorashada baarlamaanka ee gollaha shacabka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la bilaabo doorashada Xildhibaannada Gollaha Shacabka, sidaa darteed wuxuu ugu baaqay in la soo dhammaystiro Kuraasta Sanatarrada ah ee aan wali la soo dooran oo dowlad goboleedyada qaar ay wax ku dhiman yihiin.

 

Ra’iisal wasaare  Rooble ayaa ka hadlay kiiska haweenayda sirdoonka Soomaaliya ka tirsanayd ee la waayay raq iyo ruux, taas oo ahayd xudunta murrranka iyo khilaafka isaga iyo Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna xusay in mar walba uu u taagan yahay caddaaladda bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax laga weecin doonin hannaanka caddaaladda loogu raadinayo.

Hase yeeshee Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xilligaan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashada loo midoobo arrimaha amniga, isla markaana meel looga soo wada-jeesto wax walba oo ammaanka wax u dhimaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here