Waa sidee xaaladda magaalada Baledweyne?

0
18
Baledweyne

Xaaladda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka deggan kaddib markii xalay ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle oo diidan maamulka Hirshabelle ay qabsadeen xarunta maamulka gobolka.

Cabdullaahi Barre oo ah sarkaalkii howlgalkaasi hoggaaminayay oo saaka BBCda la hadlay ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay ayna haatan ku sugan yihiin xarunta maamulka gobolka.

Sarkaal Cabdullaahi waxa uu sheegay in aanay qaadi doonin tallaaba kale oo dheeraad ah, maadama sida uu sheegay uu la soo xiriiray ugaaska deegaanka oo ka dalbaday inaan xiisadda intaasi looga sii darrin.

Xalay magaalada waxaa laga dareemayay xiisad wayn, meelaha qaarna rasaas ayaa la maqlyay, sida dadka deegaanku ay BBCda u sheegeen.

Isla xalayna waxaa magaalada ka dhacay isu soo baxyo waa wayn oo lagu taageerayo ciidammada qabsaday xarunta maamulka gobolka.

Waxaana saaka xiran inta badan ganacsigii magaalada iyadoo dadkuna ay ka cabsi qabaan in shaqaaqo ay markale halkaas maanta ka dhacdo.

Dibadbaxyada ka dhacay magaalada ayaa sidoo kale waxaa loogaga soo horjeeday safar uu dhawaan madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ku tegi lahaa magaaladaasi, iyagoo dadka isu soo baxayna ay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah maamulkiisa.

Dhanka kale waxaa xalay magaalada soo galay maleeshiyaad taageersan Janaraal Abuukar Xuud, kaas oo hore uga tirsanaan jiray milateriga Soomaaliya xilligii dowladdii Janaraal Maxamed Siyaad Barre, kaas oo todobaatameeyadii ka soo qeybgalay dagaalkii waqtigaas dhexmaray Somaaliya iyo Itoobiya.

Xuud

XIGASHADA SAWIRKA,.

Janaraal Xuud ayaa dhowr bilood ka hor samaystay maleeshiyaad u gaar ah, xilligaas oo uu ka gadooday habkii loo maamulay doorashadii maamulka cusub loogu dhisay Hirshabeelle.

Tagitaanka madaxweynaha Hirshabeelle oo la diiday

Magaalada Baladweyne indhawaalaba waxaa ku sugnaa siyaasiyiin reer Baledweyne ah oo uu ka mid yahay madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Xagar Dabageed, xildhibaanno heer federaal iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo iskudayay inay xal ay u helaan khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle ee 10 bilood ka hor lagu dhisay magaalada Jowhar.

Siyaasiyiintaas waxa ay dhammaantood ka shaqeynayeen inay odayaasha deegaanka ku qanciyaan in madaxweynaha Hirshabeelle uu yimaaddo magaalada Baledweyne arrintaas oo odayaashu ay gaashaanka u daruureen.

Markii dambana saraakiil ka tirsan ciidammada deegaanka ee ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Hirshabeelle ayaa iyana ku biiray gadoodkaasi oo waxa ay diideen in madaxweynaha Hirshabeelle uu yimaaddo magaalada.

Dagaalkii horraantii bishii July

Afartii bishii July ayey aheyd markii xiisad ay ka dhalatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib iska hor’imaadyo habeenkii saqdii dhexe ka dhacay halkaasi.

Rasaas goos goos ah ayaa habeenkii laga maqlayay gudaha magaalada, iyadoo iska hor’imaadyadaasi ay dhex mareen ciidamada dawladda iyo miliishiyo taabacsan Janaraal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Waqtigaas dad kala duwan oo ku sugnaa magaalada Baledweyne oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka.

Dibadbaxyadii ka dhacay Beledweyne
Qoraalka sawirka,Mid ka mid ah dibadbaxyadii hore uga dhacay Baledweyne

Shaqaaqadaas ayaa timid kaddib markii magaalada Beledweyne ay gaareen xubno ka tirsan wasiirrada maamulka Hirshabeelle, iyadoo markii horaba uu halkaas ku sii sugnaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Xagar Dabageed, markaas oo ay sheegeen in shirka golaha wasiirrada lagu qaban doono magaaladaasi.

Golaha kacdoonka gobolka Hiiraan ee uu horkacayo Janaraal Xuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shirkaas lagu qabto Beledweyne isla markaana ay kasoo horjeedaan in Hirshabeelle ay ka shaqeyso halkaas.

Waxay sheegeen inay isku dayaeen in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda balse Hirshabeelle ay colaad iyo khilaaf ka abuureyso gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here