Haddii aadan hore u aqoon dhammaan goobahan halista ah ee adduunka dacalladiisa ku yaalla, isla markaana ay kuu qorsheysan tahay inaad midkood booqato, waxaad u baahan tahay inaad beddesho qorshahaaga, maaddaama tobankan meelood ee soo socda ay yihiin kuwa ugu halista badan dunida.
Waddada Dhimashada
Waddada North Yungas waxaa “Waddada Dhimashada” loogu bixiyay sababo jira awgood.
Inaad waddadan gaari ku waddo waa halis, sababtoo ah waxaad la kulmeysaa dhul go’yo, daadad iyo dhagaxaan soo daadadanaya.
Sanadkii 1994, ilaa 300 oo darawallo ah ayaa sanad walba ku dhiman jiray, taas oo xaqiijineysa naaneysta waddadan kuna dareysa liiska meelaha ugu halista badan dunida ee la booqdo.
Jasiiradda Masaska
Waxaa jirta jasiirad ilaa 25 meyl u jirta xeebta Brazil halkaas oo dadka dalkaasi ku nool aysan ku dhiirran karin inay booqdaan. Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in la helay meydka kalluumeyste doontiisa saaran oo dul sabbeyneysa badda.
Jasiiraddan halista ah waxaa loo yaqaannaa Ilha da Queimada Grande, waxaana la sheegay inay aad u halis badan tahay iyadoo dowladda Brazil ay dadka ka mamnuucday inay booqdaan.
Harada Natron – meel aadan ku noolaan karin
Yeysan ku sirin quruxda haradan.
Waa mid ka mid ah meelaha aan ku habbooneyn in lagu noolaado ee dunida ku yaalla. Harada Natron oo ku taalla Waqooyiga Tanzania ayaa waxay u ektahay harada dabka.
Xaddi sare oo maaddada Natron (sodium carbonate decahydrate) ah ayaa biyaha haradan ka dhigaya kuwo jirka bani’aadamka u daran.
Xaafadda Oymyakon – Cimiladeeda ayaa aad u xun
Oymyakon waa xaafad yar oo ka tirsan degmada Oymyakonsky ee dalka Ruushka.
Xaafaddan waxaalagu tilmaamaa mid ka mid ah meelaha ugu khatarsna ee lagu noolaado sababo la xiriira cimiladeeda oo aad u xun.
Heerkulka aadka u daran ayaan suurtogal ka dhigeyn in goobtan lagu noolaado. Cimilada ayaa heerkulkeedu wyxyy gaaraa ilaa -40 degrees Celsius (-90 degrees Fahrenheit).
Dooxada Dhimashada
Dooxada Dhimashada waa saxare ku yaalla xadka gobollada California-Nevada ee dalka Mareykanka waana meel aad u kulul. Waa mid ka mid ah meelaha ugu kulul caalamka.
Keliya tiro yar oo saxare ah ayaa ku yaalla Bariga Dhexe iyo Afrika, kuwaas oo xilliyada xagaaga noqda kuwo aad u kulul.
Heerkulka ugu hooseeya cimilada ee dooxadaasi wuxuu habeenkii gaaraa 108.1 ° F.
Xeebta Qalfoofta
Xeebtan waxay ku taallaa koofurta Angola ee waqooyiga Namibia. Waxay ku dherersan tahay Wabiga Kunene (koofur) ilaa Webiga Swakop.
Xeebta Qalfoofta waxay ku jirtaa liiska meelaha ugu xun adduunka ee la booqdo saabo la xiriira cimiladeeda oo xun, waana meel ay dhif tahay inuu qofku ku noolaado.
Cimilada, dabeylo xooggan, iyo cunto iyo biyo la’aan dartood uma suurto galeyso dalxiisayaasha inay ku damaashaadaan xeebtan.
Lama degaanka Danakil
Mid ka mid ah meelaha lama degaanka ah ee dunida ku yaalla waa Lama degaanka Danakil oo ku yaalla Bariga Afrika.
Iyadoo mararka qaar uu heer kulkeedu dhaafo 50 ° C (122 ° F), foolkaano iyo ceelal sii daaya gaas ah oo ku yaalla dartood, Lama degaanka Danakil ma aha meel ay fududdahay in lagu noolaadoo.
Caafimaadkaaga jir ahaan ayay saameyn ku yeelaneysaa haddii aad muddo joogto halkaas.
Albaabbada Naarta
Biyo-xireenka Turkmenistan Darvaza waxaa loo yaqaannaa “Albaabbada Naarta.” waa goob qani ku ah gaaska dabiiciga ah kuna dhex taalla god dhulka hoostiisa ah; khubarrada cilmiga dhulka ayaa dab ku shiday si looga hortago faafitaanka gaaska methane, waxayna holceysay tan iyo sanadkii 1971.
Waxay ku taallaa bartamaha Lama degaanka Karakum, oo qiyaastii 260 km u jirta caasimadda Turkmenistan, nwaxayna u dhowdahay xaafadda Derweze, Ashgabat.
Jasiiradda Waqooyiga Sentinel
Jasiiradda Waqooyiga Sentinel waxay ku dhex taallaa Jasiiradaha Andaman waana mid ka mid ah meelaha ugu khatarsan dunida.
Dadka meeshan deggan ayaa u noolaahab dhaqameed iyagoo diiday inay sameeyaan wax walba oo suurto gal ah oo ay ugu xirmi karaan dunida inteeda kale. Qabaa’ilka halkan ku nool ma yaqaannaan dadka meelaha kale ka yimaada, haddii ay dalxiisayaashu soo galaan jasiirraddoodana, waxay u arkaan fal khalkhal gelin kara noloshooda, waxaana laga yaabaa inay iska caabbin sameeyaan.
Beerta Nasashada ee Madidi
Beerta Nasashada ee Madidi waxay ku dherersan tahay Webiga Amazon ee dalka Bolivia waxayna ku fadhisaa dhul dhan 19,000 km isku wareeg ah.
Beertan waa keymo isku cufan, waxaana ku yaalla dhamaan noocyada dhirta iyadoo xayawaanno badan ay hoy u tahay, qaarkoodna waa halis.
Keymahan waa bahallo galeen iyadoo dalxiisayaasha lagula taliyo inaysan kelegood aadin.
Waa mid ka mid ah meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo sababo la xiriira duurjoogta ku nool, shimbiraha iyo xayawaannada halista ugu jira inay dabar go’aan.