Warar hadda naga soo gaaraya Afqaanistaan ayaa sheegaya in madaxwaynaha dalka Afqaanistaan Ashraf Ghani uu dalka isaga baxay.
Ma cadda ilaa iyo imika halka u aaday, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku sii jeedo dalka Tajikistan.
Madaxwayna ku xigeenka dalka Afqaanistaan Amrullah Saleh ayay sidoo kale wararku sheegayaan in uu dalka ka cararay.
Mr Ghani ayaa waxa uu la kulmayay cadaadis ah in u iscasilo ka dib markii ay kooxda Taliban la wareegeen muddo 10 maalmood gudahood ah magaalooyiinka waawayn ee dalkaasi.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xoogagga Taalibaan ayaa gaareen duleedka magaalada Kabul ee caasimada Afgaanistaan, kadib markii ay la wareegeen inta badan dalka intiisa kale.
Wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan ayaa horey u sheegay sheegay in wadahadalo ay u socdaan si loo hubiyo in si nabad ah xukunka loogu kala wareego oo magaalada aan dagaallo ka dhicin Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahannadooda lagu amray in ay ku ekaadaan cirifyada caasimadda.
Waa kumaa Ashraf Ghani?
Ashraf Ghani waa nin aqoonyahan ah oo inta badan xirfadiisa ku qaatay meel ka baxsan Afghanistan, ka hor inta uusan ku laaban si uu gacan uga geysto dib u dhiska dalka kadib sanado dagaal.
Waxaa uu 19 bishii May ee sanaddii 1949 uu ku dhashay gobolka Logar ee dalka Afqaanistaan.
Waxaa uu xukunka qabtay 2014 waxaana xilligaasi loo arkayay in uu yahay nin la dagaalami kara musuqmaasuqa.
Hasa yeeshee, shan sano ka dib, iyada oo la xusuusto eedeymihii ahaa in wax isdabamarin ay ka dhacday doorashada ayaa waxaa hoos u dhacday sumcadiisa.
Mr Ghani intiii uu xafiiska joogay waxaa uu isbahaysi la galay madaxiisii fulinta oo sidoo kale ahaa ninka ugu cadcad musharaxiintii la tartamaysay, Cabdullah Cabdullah.
Waxaa uu madaxwayne Ghani ka soo jeedaa qoomiyada ugu ballaaran dalkaasi ee Pashtuun.
Tan iyo markii uu xukunka qabtay 2014 waxaa sii xoogeysanayay kooxda Taliban.
Ashraf Ghani waxaa laga horistaagay in uu ka qeyb galo wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Mareykanka iyo Taliban.
Talibaan ayaa u arkayay dwoladdiisa in ay “dabo-dhilif” u tahay dalal shisheeye
Mr Ghani ayaa soo bandhigay siyaasado ka dhan ah musuqmaasuqa laakiin waxaa muuqata in horumar badan aan laga sameyn la dagaalanka musuqmaasuqa.
Horaantii bishii Sebtembar, Mareykanku wuxuu sheegay inuu kala laaban doono lacag dhan $ 100 milyan oo doolar oo loo qoondeeyay mashruuc tamar, isagoo u sababeeyay musuqmaasuq aad u sarreeya oo ka dhex jira dowladda Afghanistan.
Ashraf Ghani wuxuu markii ugu horreysay soo shaacbaxay 2001 markaasi oo uu hogaaminayay aqalka odeyaasha ee Afqaanistaan ee loo yaqaano loya jirga.
Wuxuu hore u ahaa aqoonyahan muddo dheer ku sugnaa Maraykanka, wuxuuna mar u soo shaqeeyey Bangiga Adduunka.
Isaga oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai, waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda sannadkii 2002-dii,
Ka dib markii ay is khilaafeen Madaxweyne Karzai 2004-tii, waxaa loo magacaabay in uu hormuud ka noqdo Jaamacadda Kabul, halkaas oo loo arkay inuu yahay nin dib -u -habayni wax ku ool ah ka sameyn kara.
Ashraf Ghani waxaa uu sidoo kale uu hormuud u ahaa dadka ka soo horjeeda qaabka aan wanaagsanayn ee loo maareeyo lacagta ay deeqbixiyayaasha ku taageeraan Afqaanistaan.
Wareysi uu siiyay BBC 2007, wuxuu yiri: “Markaan anaga dhisnayno iskuul ay leeyihiin reer Afgaanistaan, qiimaha ugu badan wuxuu gaarayaa ilaa $ 50,000. Laakiin marka ay dhisaan saaxiibadeena caalamiga ah qiimaha wuxuu gaari karaa ilaa $ 250,000.”