Gabadh Somaliyad Ah Oo Noqotay Haweeneydii ugu horeysay ee Sareeyo Guuto ka noqoto Ciidamada Kenya”’

0
19

Kenya (Saxilnews.com)”Faadumo Axmed oo Muddo dheer ka Tirsanayd Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa taariikh ahaan ku guuleystay inay noqoto haweenaydii ugu horeysay oo Ciidamada wadanka Kenya ka gaadhtay darajada Sareeyo guuto, iyadoo hada kadibna hogaamin doonto qeybta caymiska daaweynta ee ciidamada xooga dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shalay dalacsiiyay 14 Sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya oo haweeneydaas ay kamid aheyd. Waxaana lagu sheegay dalacsiintaas inay timid kadib markii la ogaaday wax qabadka Saraakiishaas.

Faadumo ayaa lagu amaanay hawlihii ay qabatay, waxaana la sheegay sanadii 1983 in markii ugu horaysay loo magacaabay inay ka mid noqoto haweenka ka shaqeeyo hawlaha ciidamada Kenya ka hor intii aanan loo magacaabin sanadii 1985 Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Cirka Kenya.

Sidoo kale, waxey hore u soo noqotay Taliye ku xigeenka labaad ee horin Ciidammo ah; iyadoona masuul ka noqotay hawlaha hanti dhawrka ciidamada. Maamulka, shaqaalaha iyo diiwaankooda.

Taariikhda kooban ee Faadumo Axmed;

Faadumo Axmed oo hada noqatay Haweeneydii ugu darajada sareysay dhanka ciidamada Kenya, waxey ka qalin jabisay Mac’hadka difaaca Qaranka ee Jaamacadda Nairobi qeybteeda Diblomaasiyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah. Sidoo kalana waxay Diploma dhanka Cilmiga Maareynta howlaha Xafiisyada ah ka qaadatay Jaamacadda Strathmore ee magaalada Nairobi.

Haweeneydaan Muslimka ah, ayaa intii ay ku jirtay hawlaha Ciidamada waxaa la sheegay inay si wanaagsan u gudatay xilkeeda, isla markaasna ay ka soo baxday wixii loo igmaday, taasna ay hada ku muteysatay in xilkan sare loo dhiibay

By Mahamed Hassan Aadam(Faradeero)

WWW.saxilnews.com

head oficce berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here