Home Article & Opinions DEG-DEG: Mulkiilaha Chelsea Ee Roman Abramovich Oo Kulan Degdeg Ah Ka Dalbaday...

DEG-DEG: Mulkiilaha Chelsea Ee Roman Abramovich Oo Kulan Degdeg Ah Ka Dalbaday Lionel Messi

0
33

 

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka mid noqotay naadiyada ku dagaallamaya saxeexa xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo xalay ay kooxdiisii hore ee Barcelona shaacisay in aanu heshiis cusub u saxeexi doonin, iyadoo uu qandaraaskiisii horena ku ekaa dhamaadka bishii June.

Lionel Messi ayaa  koox la’aan ahaa tan iyo horraanta bishii July, waxaase la filayay in uu heshiis cusub u saxeexi doono Barcelona oo horeba loo sheegay in ay isku afgarteen heshiis shan sannadood ah oo laba sano kaddib ay labada dhinac awood u leeyihiin in ay kansali karaan iyadoo aan la isku raacaynin wax lacago ah.

Messsi

Laakiin shalay oo ay ahayd maalintii heshiiska la saxeexi lahaa ayay Barcelona beddeshay qorshaha, waxaanay go’aansatay in aanay heshiiskaas gelin oo ay Lionel Messi iska fasaxdo kaddib markii ay deraaseeyeen dhibaatooyinka dhaqaale ee ay ku jiraan iyo mushkiladaha ay waajihi doonaan haddii ay heshiiskan la galaan Messi.

Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa illaa markii uu warkani soo baxay ahaa kuwa sida weyn loola xidhiidhinayo, iyadoo warbaahinta Spain sheegtay in PSG ay ugu cadcaddahay laakiin uu xiddiga reer Argentina doorbidayo inuu tago Manchester City.

Hase yeeshee Pep Guardiola oo maanta hadlay ayaa meesha ka saaray inay la saxeexanayaan Lionel Messi, isagoo xusay in ay 100 milyan kasoo bixiyeen Jack Grealish, haddana ay doonayaan weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.

PSG ayaa sidaas ku noqotay kooxda kaliya ee Messi lala xidhiidhinayay kaddib hadalka Guardiola, balse hadda xaaladdu way isbeddeshay, waxaana saaxadda soo gashay Chelsea oo uu mulkiilaheeda bilyaneerka ah ee Roman Abramovich uu dalbaday inuu kulan degdeg ah la yeesho Lionel Messi.

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa hadda shaaciyey, in Roman Abramovich uu ka dalbaday Lionel Messi in ay yeeshaan kulan degdeg ah, isagoo qorshihiisuna yahay in uu doonayo inuu laacibkani tago kooxdiisa Chelsea.

Chelsea ayaa sannadkii 2014 waxay qarka u saaranyd in ay la saxeexato Lionel Messi xilligaas oo laacibkan la sheegay in uu doonayo in uu iskaga tago Barcelona ka hor intii aanu saxeexin heshiis cusub.

Abramovich ayaa waqtigaas diyaar ula ahaa lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu iibsado, laakiin toddoba sannadood kaddib ayuu dalbanayaa in uu la saxeexdo isaga oo bilaash ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here