Fifa (Saxilnews.com)’Madaxii hore ee gudiga Olompic-kada Caalamiga ah Francois Carrard ayaa loo magacaabay in uu noqdo madaxa gudiga dib u habaynta Hay’adda Maamusha Kubadda Cagta ee Adduunka.
Garyaqaanka reer Switzerland wuxuu hogaamindoonaa 12 ruux oo dib u habayn ku samay doonta Fifa.
Carrad waxa uu ahaa madaxii Olompic-kada Caalamiga ah laga bilaabo 1989 ilaa iyo 2003.
77 jirkaasi waxa uu sheegay in soo celinta sumcadda iyo kalsoonida Fifa ay muhiim u tahay mustaqbalka hay’addaasi kubadda.
Madaxwaynaha Fifa Sepp Blatter ayaa bishii lixaad ku dhawaaqay in uu shaqada ka fadhiisan doono afar maalmood uun kaddib markii loo doortay madaxwaynenimada.
Iscasilaadiisu waxay daba socotay todobo sarkaal oo Fifa ka tirsan arrintaas oo ka dhalatay baaritaan uu sameeyay Maraykanka oo sababtay in 14 ruux lagu eedeeyo dacwado musuqmaasuq la xiriirta.
By Mahamed Hassan Aadam(Faradeero)
WWW.Saxilnews.com