Xiddigii Lama Filaanka Ahaa Ee Mikel Arteta Uu Kala Tashaday Saxeexa Ben White Oo La Shaaciyey

0
30

Arsenal ayaa xaqiijisay saxeexii saddexaad ee xagaagan oo noqday Ben White oo ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Brighton, waxaanu 23 jirkani qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah.

Jimcihii shalay ayay Arsenal soo bandhigtay saxeexan cusub, waxaanu isla maalintii xigtayba tababarka la bilaabay kooxdiisa, si uu iskugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub ee labada toddobaad ka hadhsan yihiin.

Arteta Saka

Tababare Mikel Arteta ayaa dedaal badan ka galay saxeexa laacibkan kaddib bixitaankii David Luiz oo xarraantii xagaaga macasalaameeyey Arsenal, isla markaana kulamadii ugu dambeeyey kooxda ugu soo galay garoonka xilli uu dhaawacnaa, laguna sii sagootiyey.

Mikel Arteta waxa uu kalsooni badan ka muujiyey in White uu ku habboon yahay qaab ciyaareedka Arsenal, waxaana uu sii hubiyey ka hor intii aanay laacibkan la saxeexanin.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Mikel Arteta ayaa qaab ciyaareedka White iyo in uu ku habboon yahay Arsenal waxa uu kala tashaday laacibka da’da yar ee Bukayo Saka intii uu socday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee uu da’yarkani wacdaraha ka dhigay.

 

Tababaraha Spain ayaa weydiiyey Saka sida uu u arkayay Ben White waqtigii ay tababarka ku wada qaadanayeen xarunta tababarka xulka qaranka England oo uu difaacanna ku jiray ciyaartoydii lagu soo daray ee waqtiga dambe laga reebay.

Jawaabta uu bixiyey Bukayo Saka ayaa si buuxda u qancisay Mikel Arteta, waxaana uu si adag uga hawl-galay saxeexa White oo uu kusoo guuleystay.

Mar la weydiiyey Mikel Arteta ciyaartoyga kooxdiisa ee uu kala tashaday saxeexa White, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan xoogaa ka helay Bukayo xagaagii, sababtoo ah wax badan hore ugamuu arag, dhab ahaantiina wuu la yaabay sida hibadiisu tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here