Dhibaatada afduubka Nigeria: ‘Waxaan arkay cannugayga laba sano jirka ah oo uu xambaarsaday nin qori wata’

0
33
Hadiza Hashim

In ka badan 300 oo carruur ah oo laga afduubtay iskuul ayaa weli waxa ay ku jiraan gacanta kooxo xubaysan oo dambiilayaal ah oo ku sugan waddanka Nigeria, iyadoo haatan kuwa badan la la’yahay muddo laba bilood ku dhaw. Qaar ka mid ah carruurta la afduubtay ayaa laba sano uun jira.

Iyadoo la sii daayay qaar badan oo ka mid ah carruurta ka badan 1,000 ee la afduubtay, arrintaas oo lagu soo warramayo inay timid kaddib lacago badan oo madax-furasho ah oo la bixiyay, ayaa haddana boqollaal qoys waxa ay weli si wayn u sugayaan warka carruurtooda.

Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa BBC News kala hadlay xanuunka ay wajahayaan iyagoo ka hadlay dareenkooda ku aaddan sida ay ula daalaa dhacaan waxbarista carruurtooda xilli ay halis taagan tahay.

Short presentational grey line

‘Waa carruur aanay cidina dhalin’

Hadiza Hashim waa hooyo dhashay shan carruur ah kuwaas oo inta qori lagu qabtay la soo hor istaajiyay albaababada iskuul Islaami ah oo ku yaal magaalada Tegina ee gobolka Niger, 30-kii bishii May, markaas oo 134 arday ah la afduubtay.

Labada canug ee ugu yar waa Walid iyo Rahama oo kala jira laba iyo saddex. Markii dambe waxa lala soo sii daayay carruur kale oo aad u da’yar kuwaas oo lugayn waayay. Hasayeeshee saddexdii kale ee ka waa wayneyd weli waa la haystaa.

Kan ugu wayn, Umma, waa 13 jir waxa uuna jecelyahay inuu aflaamta kartuunka ah ee Tom iyo Jerry la daawado walaalihii ka yaryar. Iyadoo walwal uu hareeyay ayey hooyadood wax war ah ka maqal carruurtaad iyo markii la afduubtay.

Maalintii la afduubtay carruurta oo aheyd Axad, ayey Hadiza tilmaantay inay u oroday iskuulka kaddib markii ay maqashay dhawaqa rasaasta. Waxaa qasab ku noqotay inay xabbadda ka gabbato, iyadoo is-qarinaysana waxa ay aragtay tobannaan rag ah oo hubaysan oo iskuulka galaya.

“Waxa ay jabiyeen qufulkii oo waxa ay bilaabeen inay carruurta ku qayliyaan oo ay ku amraan inay kabaha iska siibaan, si aanay u cararin. Carruurta ayaa bilaabay inay waalidiintood u dhawaaqaan.

“‘Waxaan arkay cannugayga laba sano jirka ah oo uu xambaarsaday nin qori wata. Cannuga ayuu ku qaylinayay oo uu lahaa aamus sababtoo ah waxa uu u dhawaaqayay hooyadiis oo aniga ah. Waxba ma aanan samayn karayn,” Mrs Hashim ayaa tiri.

Map
1px transparent line

Labada canug ee yaryar ayaa wixii maalintaas dhacayay waxa ay ku reebeen argagax iyo dhibaato dhanka maskaxda ka soo gaartay. Mrs Hashim ayaa waxa ay tilmaamaysaa sida ay iyagoo qaylinaya u soo baraarugaan saqda dhexe ee habeenkii, kana walwalsan in markale la afduubto. Waxa ay marwalba I waydiiyaan halka ay jiraan gabdhihii iyo wiilkii ka waynaa, halka sariirahoodana ay haawanayaan.

Mrs Hashim ayaa waxa ay maadada Sayniska ka dhigtaa iskuul hoose oo halkaas ka ag dhaw, haatan iskuulkaasi waa la xiray ammaanka xun ee ay kooxaha hubaysan sababeen awadii. Kooxaha afduubka gaystay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dalbadeen lacag u dhigan in ka badan $100,000 (£73,000) si carruurta ay u sii daayaan.

Waalidiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa isku dayaya inay lacagtaasi soo uruuriyaan, hasayeeshee mushaarka macallimiinta iskuullada ee deegaankaasi ayaa sanadkii qaata wax ka yar $400, arrintaas oo ka dhigaysa in aanay awoodi karayn inay kharashkaasi soo uruuriyaan.

Waxa ay ka cabsanaysaa in carruurteeda la hilmaamay saboolnimadooda awadeed.

“Dadku way is dhaafiyeen waxa dhacay sababtoo ah waa carruur aanay cidina dhalin. Haddii ay carruurtaasi ay dad dhali lahaayeen, duurkaas laguma haysteen muddo todobaadyo ah iyadoon weliba wax war ah laga hayn. Taas ma aanay dhici lahayn,” Mrs Hashim ayaa ku calaacashay.

Short presentational grey line

‘Waa muhiim inay waxbartaan’

17-kii Juun, in ka badan 80 arday ayaa waxaa laga afduubtay iskuul la seexdo ay leedahay dowladda federaalka oo ku yaal magaalada Birnin Yauri, ee gobolka Kebbi.

Wiilka Aminu Umar, Mustapha waa 14 – waxa uu ugu wayn yahay shan carruur ah. Qoyskiisa waxa ay ku nool yihiin meel iskuulka u jirta in ka badan 200km (124 mile), hasayeeshee waxa uu aad ugu hamuun qabaa in muhiimadda uu saaro waxbarashada wiilkiisa, aabihiis ayaa moodayay in iskuulkaasi la seexdo uu wiilku ka heli doono bilowga ugu wanaagsan ee nolosha.

Aminu Umar
Qoraalka sawirka,Aminu Umar ayaa waxa uu ku adkaysanayaa in carruurtiisa ay ku sii jiri doonaan iskuulka iyo waxbarashada

Todobaad ka hor afduubka waali kale ayaa canugiisa ka saaray iskuulka kaddib markii uu maqlay wararka sheegaya in burcad hubaysan ay ka howlgalaan aaggaasi.

Waxa uu isku dayay inuu Mr Umar ku qanciyo inuu Mustapha ka soo saaro iskuulka, hasayeeshee aabihii ayaa doonayay inuu u fariisto imtixaanaadka, waxaana in ardaydu ay badqabaan u xaqiijiyay macallimiinta.

“Cannugayga waxaan ku aaminay macallimiinta. Tan iyo afduubkii haatan caadi uma seexan karo, waxaan marwalba ka walwalaa xaaladda carruurtaas lagu hayo, sida ay u seexdaan iyo inay helaan biyo nadiif ah iyo cunto ku filanba,” Mr Umar ayaa yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in aanay wax badan ka maqal iskuulka ama dowladda tan iyo markii uu afduubku dhacay, sidoo kalana uu aad uga walwalsan yahay in wiilkiisa la dhibaatayn doono.

Hasayeeshee, walow ay xaaskiisa ka bariday in wiilasha iyo gabdhaha la dhashay Mustapha uu ka saaro iskuulka, ayaa waxaa ka go’an in carruurtiisa ay sii wataan waxbarashadooda.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay Unicef, in ka badan 1,500 oo iskuul oo ku yaal bartamaha iyo waqooyiga Nigeria ayaa waxaa lagu qasbay in loo xiro ammaanka oo xun awadii. Hasayeeshee Mr Umar ayaa rumaysan in xalka ammaan xumida ay waxbarashada ku jirto.

“Dadku carruurtooda ayey iskuullada gobolka oo dhan ay ka saaranayaan. Hasayeeshee dadka kale waannu ka dambaynaa marka la eego dhanka waxbarashada, marka taas waxa ay mustaqbalka sababi doontaa dhibaato kale oo badan,” Mr Umar ayaa yiri.

“Xaaskayga waxa ay dhibaato ka soo gaartay walwalka ay ka qabto badqabka carruurteenna hasayeeshee waxaan rumaysanahay inay muhiim tahay inay waxbartaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here